Warsaxafadeed…Xisbiga Ucid Waxa Cambaaraynayaa Wasiirka Duulista Hawada Jsl M .X. Cabdi oo ah Masuulka uu Tooska Ugu Xidhanyahay Muwaadin jamac Cilmi jiir Mudo 2 Sano ah

Ucid logoKadib markii Baadhitaan dheer iyo Dabagal Qotodheer lagu Sameeyey Xadhiga Xaqdarida ah ee uu Jeelka ugu jiro Aqoonyahan Jaamac Cilmi jiir oo ahaa Qoraa.
Hargeisa (SM) 20.02.2015 Kadib markii Baadhitaan dheer iyo Dabagal Qotodheer lagu Sameeyey Xadhiga Xaqdarida ah ee uu Jeelka ugu jiro Aqoonyahan Jaamac Cilmi jiir oo ahaa Qoraa Madaxbanaan Islamarkaas Firkirkiisa ka dhiibta wixii Qalad ee uu arko ayaa Waxaa Qoraaladiisa Dhibsaday Rag Kamid Wasiirada M,weyne Siilaanyo Waxaana Wasiiradaas Ka kow ka ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Ah Masuul Qalad weyn Ka Fahmay Xilka uu Qaranka Amaanada Ugu Hayo Waxaana Wasiir M,X. Cabdi uu Xadhig uu Dariiq Qaldan u Maray La Beegsaday Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir Waxaana Goor Fiid ah Muwaadin Jaamac cilmi Jiir Suuqa Hargeisa ka Qabtay Koox Sirdoon idman u ah Wasiir M.X Cabdi iyaga oo an Wax Waaran Maxkamadeed Sitan Waxayna Wasiir M.X Cabdi Kooxdiisaas Isugu Jirta Sirdoonka idan Police Is Huwani Mudo Saldhiga Dhexe Hargeisa ku Hayeen Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir Waxaa Markii Mudadaas kadib Kiiska Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir uu Wasiir  Duulistu u Gacan Geliyey Xeer ilaaliye Amarkiisa Qaba Gasoore Go,aanka uu Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir Ku Xukumi Lahaa uu Gacantiisa Kusii DRAFT gareeyey Wasiirka Duulitsa iyo Hawadu Waxaana Go,aankaasi Noqday In Aqoonyahan Jaamac Lagu Xukumo Afar Sano Xadhig ah oo Aan iibna Lahayn Cafisna Lahayn Waanata Ilaa Maanta Dulmiga ah Ee uu Aqoonyahan Jamac jiir jeelka ugu jiro.

Wasiirka Dhaafay Xuduudkii iyo Miligihii Masuul Qaran Yeelan Jiray Waxaana Jir Odayaal u Tegay Wasiirka Duulista oo Kasoo Jeeda Xafaada Aqoonyahan jiir oo kala Hadlay Muwaadinka isaga u Xidhan uu Ugu Jawaabay Waan Siidaynayaaye Saxeexa idinku In aanu wax Dambe Dawlada Qoridoonin Kadib Odayaashii Kuyidhaadeen Qofna Xuquuqdiisa Hadalka Cidi Damiin Kagama Noqon Kartee Hakuu Xidhnaado Hadii Sidaas Lagu Kala Adkaanayo La arkidooneeye.
Hadaba iyada Xadhiga Aqoonyahan Jiir aynu Ogaanay Cida Sida Gaarka ah Ugu Xidhanyahay oo Aynu Aragno Inay Tahay Talaabooyinkii Lagu Yiqiin Keli Taliska Raadbaradka ah Wasiirka Duulista Hawadunayahay Masuul 5 Sano ee M.weyne Siilaanyo uu ahaa Kuwa Ugu Daran ee Hormuudka ah Boobka Hantida Ummada Ku Tarkifalka Awooda Qaran Xadhiga Macno Darida ee uu Kula kacayo Muwaadiniinta Handadida Shaqaalaha Wasaarada uu Wasiirka yahay Siiba Dumarka oo Ugu Hanjabo Inuu Shaqada Ka Eryidoono Hadii Anay Siduu Doono Ula Shaqayn Taas Qofka Caqliga Lihi Dareemi Karo Waxa Halkaas ku Hoos Jira

Hadaba Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa uu Cambaaraynayaa Wasiirka Duulista iyo Hawada Xadhiga Sharci Darada AH ee uu Ugu Xidhanyahay Aqoonyahan Jaamac Cilmi jiir
Waxaana Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku ugu Baaaqayaa Dhamaan Ururada u Dooda ilaalinta Xaquuqda Aadamaha

Sida Amnesty International

African Righite Watch

IYO Ururada Xaquuqda Aadamaha Dhamaantood Inay Isutaagaan Sidii Looga Samato Bixin Lahaa Aqoonyahan Jaamac Cilmi jiir Gacantan Arxanka Daran Xidhatay ee xukuntay is Mahadisay
Sidoo Kale Waxaa Xisbiga Cadaadalada iyo Daryeelka Ucid Usoo Jeedinayaa Xafiiska UN Monitoring Group Ee inuu Si gaar ah Fiiro Togan Ugu Yeesho Dhaqdhaqaaqa Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo ah Masuul Ku Sifoobay Boobka Hantida Ummada Reer Somaliland ku Tacadiga Dadka Rayid ka ah iyada oo Maanka Ku hayno Xeerka UN TA ka Uga Yaala Qofka Masuul Awood Bulsho oo uu Hayo Ku Wax Yeeleeya Qof Ka Mid ah Shicibkii uu Xilka u Hayey
Ugu Dambayn Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku Waxaa uu Qof kasta oo Xilkas ugu Baqaayaa loo Gurmado Sidii Looga Faro Maroojin Lahaa Hororkaas Aqoonyahan jiir Jeelka labo sano ugu Labo Dibleeyey
Wabilahi Towfiiq

Xoghayaha Duulista iyo Hawada ee

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid

Md Cabdiqani Ismaaciil Maxamed Foodcadde
Emailfoodcadde2004@hotmail.com