Wasiirkii Ugu Af-Gaabnaa Xukuumaddi UDUB Oo Oodda Ka Qaaday Hagar-Daamooyinka Laga Dhaxlay Hoggaaminta Siilaanyo

“KULMIYE Wuxuu Dalka Ku Qabsaday Olole Qabyaaladaysan Oo Tola’ayeey Ah Iyo Ballan-Qaadyo Cirka Iyo Dhulka Ah Oo Uu Cod Kaga Helay Beellaha Darafyada”

 

“Nidaamka khaldan ee hadda shaqooyinka loo qoraa waa nooca loo yaqaano “qaataye qaado” oo ku saleeyaan Lisas lays dhaafsado”Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cali San-yare

 

Feb 9, 2014 Hargeysa (SM) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka Xukuumaddii uu hogaaminayey Daahir Rayaale Kaahin   Cali Ibrahim Maxamed (Sanyare) oo todobaadkan lala yeeshay Waraysi ku saabsan dhinaca Siyaasadda oo aanu u faro dhuudhuubnayn intii ay Xukuumadda Siilaanyo talada haysay, ayaa ooda ka qaaday dhaliilo isbarkan oo uu sida Mowdaha badda ugu garaacay nidaamka hogaamineed iyo siyaasaddeed ee Isbedelkii Kulmiye Shacbiga Somaliland u balan-qaaday, kaasoo uu qodob qodob u taabtay natiijada laga dhaxlay.
24wec9f
Cali san-yare oo sida la xasuusto ahaa Wasiirkii ugu afka gaabnaa Xukuumaddii Rayaale, ayaa Waraysigan oo uu siiyey Mareeg  magaceeda la yidhaahdo Qurbe-joog, si qoto dheer, isla markaana Cilmiyeysan ugu iftiimiyey in   horumar laga dheefo iskadaaye , hagar-daamooyin laga dhaxlay  Barmaamuj Siyaasaddeedkii isbedel doonka ahaa ee Xisbiga kulmiye Ololeha ku galay Doorashadii madaxtinimada.

Cali Sanyare ayaa si cad farta ugu fiiqay in Xisbiga kulmiye talada ku hantay Kacdoon Qabyaalladeed iyo balan-qaadyo aad u culus oo uu u sameeyey Beellaha Darafyada, kaddib markii Bulshada Gobollada dhexe ku dhaqan oo taageeradooda ku qabsaday  Qabyaalad “Tolla’ayeey ah. Waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kalena waxa uu tilmaamay in markii Xisbiga Kulmiye labadaas arrimood ku guulaystay ay bilaabantay Kacdoon shacbiga oo dalka oo dhan wada saameeyey, kaasoo cidhiidhi badan iyo cabsi geliyey xukuumaddii Madaxweyne Rayaalle iyo xisbigeedii UDUB, kuna khasabtay inay fudud oo aan gor-gortan ku jirin talada u dhiibaan.

“Xisbiga UDUB wuxuu xukunka dalka hayey muddo dheer marka laga bilaabo shirkii Boorama ee Madaxweyne Cigaal lagu doortay ilaa sanadkii 2010. Waxay taasi keentay in bulshadu ka daashay horjoogooda, sida. dalal badan oo kaleba wakhtiyada qaarkood ka dhacda, oo markaas taageeradii bulshadu u haysay diciiftay, dhinaca Isbdel-doonkana u-sii-siqeen.

Waxa taas si fiican uga faa’ideystay xisbiga KULMIYE oo qaaday olole siyaasideysan iyo mid qabiileysan, oo aan geedna loogu soo gab-ban, oo tol’aayeey ahaa, kaasoo si mug leh uu ugu kasbaday codkii gobollada dhexe ee dalka. Gobollada darafyadana si uu cod dheeraad ah uga helo uu ‘Cirka iyo Dhulkaba’ ugu ballanqaday. Barnaamijka xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa Mid Muunad ah oo keliya. Hase yeeshee ololaha beelleysan balanqaadkii ay beelaha kula heshiiyeen oo qaarkood aanay rumoobin ayaa codka dheeraadka ah keenay.

Olalaha beeleysan ee KULMIYE ayaa cabsi badan geliyey madaxdii xisbiga UDUB. Waxay markaas ka hakiyeen miisaaniyaddii Olalaha ee loogu talogaley gobollada iyo degmooyinka qaarkood. Codku ku dhaafye, lacagtu yaanay ku dhaafin ayaa la miciinsaday.Waxay taasi keentay in hawlwadeenadii xisbigu kala yaaco.Wuxuu kaftanku noqday “UDUB iyada is-ridaye cid kale yaanay eersanin.” Ayuu Cali San-yare ku qeexay sababtii Guul-darada u horseeday Xisbigii UDUB ee aakhirkii markuu talada wareejiyey lays kaba raaciyey sii waariyaankiisa.

Dhanka kale, waxa uu Siyaasigan saaxada kaga maqan guul-daradii Xukuumaddiisu daaha ka fayday, hungada Shacbigu kala kulmay balan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye taageerada kaga doonayay, waxaanu gabi ahaanba dhaliilay hanaanka Maamul ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isagoo sidoo kalena tacliiq ka bixiyey aragtidiisa ku aaddan rabitaanka durba Bulshadu ugu baaqayso Isbedel siyaasaddeed.

“Tabashooyin bulsho oo aan wakhtigoodii la fulin, waxna laga qaban. Isbedel-doonka maanta dalka ka socda ee ku jihaysan doorashada fooda inugusoo haysa ee sandakan, isna wuxuu leeyahay wakhtigiisa iyo duruufihisa u gaarka ah. Waxaa duruufahaa ka mid ah oo la sii-saadaalin kara in caadifadii beeleys-neyd ee gobollada dhexe ku siiyeen codkooda KULMIYE ay meesha hadda ka baxday, lagana yaabo, sida muuqata, in badankoodu ay ka-codeyaan, sababo badan awgood.

Bacdamaa aanay weli doorashadii dhicin, waxaynu hadda saadaalin karnaa oo keliya guuxa bulshada Isbeddel-doonka ah iyo waxay ku taamayaan inay ka digo-rogtaan ee ah in isbedel-doonkoodu keeno. Waxaan is-leeyahay guuxa iyo tabashooyinka bulshada waxa ka mid ah:

Guuxa kacdoon bulsho oo higsanaya dawlad wanaag, wada tashigii iyo isku tanaasulkii sooyaalka u ahaa Somaliland ee ay ku caana maashay oo ka reeban handidaad, cagajugleyn, cabsi iyo xabsiga dhig.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale Mr., Cali sanyare, waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu gabi ahaanba khaldanyahay qaabka loo qoro shaqaalaha dawladdu,  cabasho badanina ka taagantahay oo qayb ka ah  gullufka isbedel doon ee waddanka ka alloosan.

Waxaanu yidhi “Waa cadho xoogan iyo cabasho taagan oo ku jiheysan nidaamka shaqaalaha dawladda loo qoro. Nidaamkaas oo baalmarsan qodobka 9aad,faqradiisa 1aad iyo 2aad ee sharciga shaqaalaha dawladda ee qeexaya shuruudaha shaqo qorista oo ah in tartan Imtixaan furan lagu galo. Faqrada 4aad ee isla qodobka sharciga kor ku xusan waxay caddeyneysa shaqo qoris kasta oo nidaamka tartan imtixaan furan soo marini ay tahay wax kama jiraan. Waxay bulshadu sheegeysa, intii xukuumadani timid in laba jeer oo keliya tartan imtixaan furan oo warbaahinta lagu faafiyey loo galey shaqooyin .Imtixaanka kowaad waxa la qabtay sanadkii 2011 markii xukuumaddu go’aamisay in imtixaan laga wadaqaado dhamaan shaqaalaha dawladda. Imtixaanka labaadna waxa loo qabtay shaqaalihii diiwaangelinta madaniga loo qaatay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha bishii May 2014kii. Waxaase, la sheega in xukuumadu qoratey shaqaale gaadhaya 7000 (todoba kun) oo qof.Nidaamka khaldan ee hadda shaqo qorista loo mara wuxuu yahay nooca loo yaqaano “qaataye qaado” oo ku saleeyaan Lisas lays dhaafsado oo Komishanka Shaqaalaha Dawladduna ansixiyo. Waxay tanni ku keentay shaqooyinkii xukuumadda ee loo wada sinaa in , si gaar ah ,shaqaalaha la qortay dhinacyo uga raranyahay.”ayuu ku yidhi Waraysigaasoo aad u dheeraa.

 

Salaanmedia/ Hargeysa

Xigasho Yool