Waxqabadka Xukuumada Somaliland Sannadkii 1- aad Ee Ay Jirtay Oo Dhamaystiran. Q: 2aad

maqaalWaxa aan soo bandhigayaa waxqabadka Xukuumada Somaliland muddii ay jirtay oo hadda laga jooga 4 sanno & xogaa, waxa u qabsoomay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladii intii ay xukuumadu xilka haysay.

download (1)

g) laanta socdaalka

1. Waxa la xakameeyay tahriibta dadka ka dib markii ay iskaashi la samaysay Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Xuduudaha Bariga Jooga.
2. Dhismaha Xafiis laanta socdaalka ee Saylac oo la sameeyey
3. Waxaa la sameeyay data base lagu kaydiyo nidaamka Baasaboorada Somaliland.

h) Miinada wadanka laga sifeeyay

Walxaha qarxaha ee ay Hay’addu soo ururisay
1. April Miinada lidka dadka 4 xabo
2. Noocyada loo adeegsado qaraxa 90 xabo
3. Tim Pump 5 xabo
4. Pump faal 2 xabo
Dhulka laga sifeeyay walxaha qarxaha April ilaa june
Hargeysa Air port 32,966mitir Square

Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo adeegyada kale

Dhinaca dhaqaalaha, waxa lacagtii Giinbaarta ahayd laga bedelay gobolka Togdheer.

Waxa loo kordhiyay 100% mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada.

Waxa la tirtiray fiigii laga qaadi jiray ardayda dugsiyada Hoose/Dhexe.

Waxa la kordhiyay miisaaniyada Wasaaradaha adeegga bixiya iyo kuwa nabadgelyada 70%

Waxa la jaangooyay mushaarooyinka, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Goleyaasha Qaranka.

Waxa la abuuray Gate way ay dawladu leedahay (Isgaadhsiinta )

Waxa la xareeyay dakhliyadii khasnadda dawlada baal-mari jiray oo dhan.

Waxa la gudbiyay xisaab-xidhkii sanadka 2010 markii ugu horaysay.

Waxa la dhamaystiray Biriijkii 2-aad ee Hargeysa oo shan-sanadood qabyo ahaa.

Arrimaha Bulshada:

Waxa la dhisay xarun lagu daryeelo caruurta darbi-jiifka ah.

Waxa la diyaariyay siyaasad qaran oo la xidhiidha dabar-goynta gudniinka fircooniga ah.

Waxa la hirgeliyay nidaamka ogolaanshaha shaqaalaha ajaanibka ah.

Waxa la hubiyay sinaanshaha fursadaha shaqo ee muwaadiniinta.

Waxa hubin iyo wax ka bedel lagu sameeyay xeerka shaqaalaha rayidka ah.
i) Jidadka iyo dhismeyaasha la hirgeliyay

Waxa la hir-geliyay dhisme casri ah oo loo dhisay wasaarada Gaashaandhigga oo 3 Dabaq ah

waxa la dayactiray cisbitaalka ciidanka qaranka JSL

dugsiga tababarka ciidanka qaranka dararweyne oo dhismihiisu dhammaystirmay

Hargeysa ilaa Dila.

Dayactirka wadada Oog-Burco.

Waxa la bilaabayaa dayactirka waddada tuulada Crusher – Hudusa.

Waxa laga hirgeliyay Debis meesha la yidhaahdo xarun loogu talogalay dalxiis oo laga dhisay saddex qol oo dalxiisayaashu seexdaan, saddex hall oo waaweyn iyo laba barkadood iyo hal dhaam iyo laba kun oo geed oo baxarasaaf ah.

Hal Bakhaar iyo dayrkiisii ayaa laga dhisay xaga dambe ee xarunta Manaahijta, kaasi oo loogu talo-galay in lagu saxo imtixaanaadka shahadiga ah.

3. Wasaarada Duulista iyo Hawada
Madaaradda:

1. Waxaa laga hirgeliyey Madaarada Dalka maamul wanaag, iyadoo lala dagaalamay musuqmaasuqii ragaadiyey Hay’adaha ka hawl-gala Madaarada. Taasi waxay sabab u noqotay inuu dakhligii Dawladu kordho laban-laab marka la barbar dhigo sannadkii hore.

1. Waxaa si rasmi ah looga mamnuucay dhammaan Madaarada Somaliland in Xafiisyada & Terminalada dhexdooda lagu isticmaalo Jaad iyo Sigaar.

3. Sidoo kale waxaa lagu soo rogay dhammaan Hay’adaha kala duwan ee ka hawl-gala Madaarada Dalka oo ah muraayadda Qarankani leeyahay inay direys & aqoonsi u gaara yeeshaan si loogu garto hawl-wadeennimadooda

4. Iyadoo la fulinaayo ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye ee ahaa in shaqo abuuris loo sameeyo da’yarta reer Somaliland, waxay Wasaaraddu si rasmi ah u shaqaaleysay 73 qof oo u kala baxa sidan:-

a) Shaqaale ku meel gaadh ahaa muddo dheer oo dhan 39 qof,
b) Dhalinyaro Jaamiciyiin ah oo dhan 34 qof kuwaas oo Wasaaradda ku soo kordhiyey dar-dar cusub.

5. Mudadii gaabnayd waxaa la suura geliyey in tababaro iyo aqoon korodhsi loo

sameeyo shaqaalaha ka hawl-gala Madaarada.

6.Iyadoo Wasaaraddu fulinaysa siyaasadda Xukuumada ee ku saabsan tixgelinta shuruucda Dalka, waxay ugu horeyntiiba joojisay lacagtii aan sharciyeysnayn ee Wasaaraddu u qaadan jirtay (Navigation and Over fly charges).

7. sidoo kale waxaa Golaha Wakiilada la horgeeyey lana ansixiyey lacagta $3 ah ee
loogu talo-galay kharashyada adeegyada Madaarada, taas oo hore loo qaadi jiray
laba dollar oo ka mid ah, iyadoo aan xeer jideyn.

8. Iyada oo la dhiiri gelinaayo dhalinyarada iyo ciyaaraha waxay Wasaaraddu balaysintay sameysayna koox ku ciyaarta magaca Wasaaradda, taasoo ay maal-gelinteeda iska kaashadeen Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha.

9. Wasaaraddu waxay dayactir & dib u furis ku sameysay Madaarada Burco &
Boorama oo muddo xidhnaa, sidoo kale waxay gacanta Dawladda ku soo celisay
Madaarka Ceerigaabo, kaasoo hadda shaqeeya isaga oo qarameysan.
10. Waxay Wasaaraddu ku guuleysatay in deeq dhan $ 10 Milyan oo doller ay
Dawladda Kuweit uga soo hesho dhismaha & dayactirka Madaarada
Hargeysa & Berbera.

Heshiiskii deeqdaas markii qalinka lagu duugay, waxaa la bilaabay Mashruuca
wejigisii kowaad oo ahaa in daraasad sax ah iyo qiimeyn sugan lagu sameeyo
baahiyaha aasaasiga ah ee Madaarada Hargeysa iyo Berbera.
Mashruuca qeybta hore ee aynu kor ku soo sheegnay waxaa fulisay Shirkad
Kuwaitiyiin ah oo la yidhaahdo ( NARCO ), waxayna ku soo afjartay (4) bilood.
Haatanna si loo gudagalo wejigii labaad ee Mashruuca loona bixiyo qandaraaska, waxaa
Wasaaradda laga sugayaa in ay qeexdo waxa loogu qabanaayo lacagtaa deeqda ah.
Sidaa darteed, waxay Wasaaraddu mudnaanshaha baahideeda u astaysay sidan:-

11. Sameynta run-way cusub oo laga dhiso Hargeysa.

1. Deyr lagu sameeyo Madaarka Hargeysa

2. Deyr lagu sameeyo Madaarka Berbera

3. Navigetion Aid laga sameeyo Madaarka Berbera

Afartan Mashruuc oo lacagta ku baxaysaa ka badan tahay ta la innoogu deeqay, waxay
Xukuumadda Somaliland ka codsatay Dawladda Kuwait in deeqda la inoo kordhiyo…la soco qeybta sadexaad

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,

TELL: 063-4000578

AHMED RASHEED

HARGEISA SOMALILAND