Waxqabadka Xukuumada Somaliland Sannadkii 1- aad Ee Ay Jirtay Oo Dhamaystiran. Q:1aad

maqaal

Waxqabadka Xukuumada Somaliland Sannadkii 1- aad Ee Ay Jirtay Oo Dhamaystiran.
Q:1aad
Waxa aan soo bandhigayaa waxqabadka Xukuumada Somaliland muddii ay jirtay oo  hadda laga jooga 4 sanno & xogaa, waxa u qabsoomay wasaaradaha  iyo hay’adaha dawladii  intii ay xukuumadu xilka haysay.
 
 1-   Wasaarada arrimaha dibeda
– Waxaa bishii Koowaad ee sanadkaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ka qayb gashay shir-goboleed ay IGAD ku qabatay Adis-abeba oo lagaga hadlay Arimaha mandaqada Geeska Afrika. Waa markii ugu horeeysay ee ay Xukuumad Somaliland ka qayb gasho Shir-goboleed ay IGAD abaabusho,
 waxaanay Somaliland madashaasi ka soo jeedisay Qorshayaasha iyo Himilooyinka Qaran ee Somaliland ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Nabadgalyada.
 Isla Bishii Koowaad ee Sanadkaa, waxaa u suurogashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland in ay si dadban aragtideeda siyaasadeed u gudbiso shirwaynihii ururka Midowga Afrika uu ku yeeshay Sanadkaa Magaalada Adis-abeba. Somaliland waxay fariinteeda siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ku wajahan Geeska Afrika iyo Himiladeeda Siyaasadeedba u marisay shirwaynaha Masuuliyiinta Urur Goboleedka IGAD oo madasha Shirwaynaha ka dhex-akhriyey, waxaana arintaana ka unkamay xidhiidh cusub oo hor leh oo dhexmara Urur goboleedka IGAD iyo Somaliland.
 
Bishii Labaad ee Sanadkaa waxaa Somaliland Booqasho rasmi ah ku yimid wafti ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee fulinta IGAD. Waxay masuuliyiinta IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay ku heshiiyeen nidaam iskaashi oo ay Somaliland iyo
 Urur Goboleedka IGAD ka yeelan doonaan talo-wadaag, iskaashi, iyo xidhiidh dhexmara labada geesood. Waa markii koowaad ee wafti meeqaamkaa leh oo ka socda Urur Goboleedka IGAD uu ku yimaado Somaliland. Waana markii ugu horeysay ee iskaashi iyo wada-shaqayni dhex marto Dawlada Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD.
Bishii Labaad ee Sanadkaa waxaa Somaliland booqasho hawleed oo rasmi ah ku yimid 17 danjire oo ka kala socda wadamo ka tirsan Yurub, Aasiya iyo Afrika. Dalalka Safiiradan ay ka socdeen waxaa ka mid ahaa wadamada Japan, brazil, Turkiga, Spain, Holland, Belgium, Finland, oo dhamaantood ahayd markii ugu horeysay ee ay wadamadaasi booqasho rasmi ah ku yimaadaan Somaliland. Waxay booqashadani dhalisay xidhiidh ugub ah oo u bilawda Somaliland iyo wadamada ay ka socdeen Danjirayaashaasi.
Dabayaaqadii Bishii labaad ee Sanadkaa waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland marti-galisay oo booqasho rasmi ah oo shaqo ku yimid wafti sare oo ka socda Dawlada Norway oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Norway oo ay weheliyaan Masuuliyiinkale oo ka socda Dawlada Norway. Booqashada waftigani ay abuurtay xiiso horleh oo ay Qadiyadda Somaliland ka heshay Wadanka Norway, oo ay ugu horayso iskaashiyo la xidhiidha la dagaalanka Budhcad-badeeda, horumarinta caafimaadka, iyo Nabadgalyada.
Bilawgii Bishii sadexaad ee Sanadkaa waxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku guulaysatay codsi ay u jeedisay in Ingiriisku u soo diro Wafti sare Somaliland, waxaana Dalka booqasho rasmi ah ku yimid Wasiirka Wasaaradda Mucaawinada Dibada iyo Iskaashiga ee Dawladda Ingiriiska. Intii uu wasiirku joogay Somaliland waxaa uu daboolka ka qaaday in ay Dawladiisu ay Sadex-jibaartay Mucaawinadii ay siin jirtay Somaliland oo lagu soo daray Dalalka ay Dawlada Ingiriisku sida rasmiga ah u taageerto, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay samayn doonaan Sanduuq Dhaqaale oo ay si wada jir ah Dawlada Ingiriiska iyo Somaliland u wada maamulaan, oo lagu shubo qayb ka mid ah mucaawinada Ingiriiska. Waa masuulkii ugu darajada sareeyey ee abid yimaada Dalka tan iyo intii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.
 
 Isla bishii sadexaad ee sanadkaa waxaa Somaliland si rasmi ah loogu casuumay oo ay ka qayb gashay shirwayne caalami ah oo ka dhacay Dalka Ingiriiska kana soo qayb galeen wadamo tiradoodu kor u dhaafayso 16 dal, oo lagaga hadlayay nabadgalyo darada ka jirta Geeska Afrika ee ka soo unkamaysa Soomaaliya iyo sidii loo yarayn lahaa Saamaynta ay Nabadgalyo-daradaasi ku leedahay Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamkaba. Waftigii ka socday Somaliland wuxuu shirka ka soo jeediyey Khudbad nuxurkeedu taabanayay Aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan wax ka qabashada Xasilooni Darada ka aloosan Mandaqada Geeska Afrika.
Waxaa kale oo ka mid ah Hawl-galada fulay Wasaaradda in ay dib u soo celisay xidhiidhkii Diplomaasiyadeed ee wadanka Jabuuti, waxaana dib loo furay xafiiska wakiilka Somaliland ee Jabuuti oo hadda si buuxda u shaqeeya. Waxaa kale oo ay Somaliland markii ugu horeysay taariikhda ay xafiis ku yeelatay Dalka Kenya oo iska dhawaan la furay.
Wasaaradda Arrimaha Debedu waxay hirgelisay inay Somaliland si rasmi ah loogu casuumo looguna sharfo ku dhawaaqidii koonfurta Sudan, taasi oo noqotay fursadii ugu waynayd ee Somaliland ka hesho inay fariinteeda gaadhsiiso waddamo badan oo dunida ah, waxayna arrintaasi wax badan ka bedeshay wadamada Afrika qaarkood, kuwaasoo bedelay mawqifkoodii ay ka haysteen Somaliland, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadduna waxay halkaasi kula kulmeen wufuudii kala duwanayd ee beesha caalamka ka kala yimi.
Waxaa kale oo Madaxweynuhu kula kulmay Magaalada Addis Ababa intii uu ku jiray Safarkiisa Koonfurta Suudan Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalka Ingiriiska Mr. William Hague oo Ethiopia booqasho ku marayay.
 2.   Wasaarada Arimaha Gudaha
 
NABADGELYADA:
a)- Shirarkii nabadda ee Widhwidh
b)  kuwii SSC-da
 c)- shaqaaqadii Kalshaale
d) Ceelbardaale
e) Booliska
 
Waxqabadka Ciidanka Booliska 
Dembiyadii Dhacay Saddex Biloodka April/June/2011
 
Bilaha
Maxkamad
Xukun
Heshiis
Been
Baadhis
Total
April 2011
610
195
537
186
132
1465
May 2011
580
212
564
178
121
1443
June
587
254
622
338
60
1587
f) ciidanka ilaalada xeebaha

11 laash oo loo dayactiray saldhigyada Berbera, maydh, Saylac iyo Lughaya
Waxa la dayac tiray dekedda dabbaalata ee laashka berbera
 
1. Tababar isgaadhsiinta ah oo ay ka soo qaybgaleen 30 askari ciidanka ilaalada xeebaha
2. dhammaystirka qorista ciidan cusub oo ilaalaada xeebaha ah
3. dayactirka iyo dhisme cusub
 4. budhcad badeed la qabtay.
5. Bishii Afraad waxa taliyaha  ciidanka ilaaladu u baxay xeebta ilaa laaso surad isagoo sii maray xeebta bada, isla bishaa afraad abaan-duulaha ciidanka ilaalad ayaa kormeer ku tegay xeebta galbeed ilaa lawyacado.
6. Waxa la dhamaystiay qorista ciidan cusub oo ilaaladu yeelato.
7. Waxa la dayactiray dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha ee degmada Saylac,
8.Waxa la dhisay hangar furusta lagu siiyo ciidanka dhibooga ah ee cusub.
9. Waxa dugsiga cusub ee dhibooga loo sameeyey musqulo iyo barkado biyaha lagu keydiyo.
10. Waxa la fashiliyay fal ay budhcad badeed rabeen inay xeebaha Saylac kaga afduubaan doonyo kalluumaysi…la soco qeybta labaad

 

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,
TELL: 063-4000578
AHMED RASHEED
HARGEISA SOMALILAND