Weftigii carabta ahaa ee doonayay in Dekeda Berbera laga kireeyo oo looga baqay magaalada gudaheeda oo madaarka dib uuga laabtay by Abdi Mustafe

berbera
Maanta waxa dhacay in shirkad caraba oo doonaysay in dekeda Berbera laga kirooyo oo ay kula tartamaan shirkada Ballore ee Fransiiska ah ay soo gaadheen madaarka Berbera iyagoo dayaarad khaasa wata. Halkaa waxa ku qaabilay wasiirka madaxtooyada Xrisi gaab iyo wasiirka duulista iyo hawada Maxamoud Hashi, hase yeeshee lama geyn martidii magaalada Berbera gudaheeda oo waxa aad looga cabsi qabay in dadka reer Berbera ku qamaamaan oo shiid hadhka kaga dhigaan. Wixii la is odhanayay madaarka ayaa si tahriiba loogu wada hadlay dabeedna halkii bay dib uuga noqdeen. Reer Berbera waxay ogaadeen awoodooda hadii wax aanay raali ka ahayn loola yimaado in ay is hor taagi karayaan oo waxay soo nooleeyeen sheekadii boqol sano ka hor dhacday ee la yidhi Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn. Xukuumada Silaanyo sida ay wershadii laydhka ee Hargiesa u iibisay ayay doonayaan in ay dekedana shirkad ajanibi ah uuga kireeyaan oo dabeed loo qadimo kirada Dekeda. Xaq uuma laha taliskan nugul ee leexadu sidataa in ay Dekeda Berbera gacanta ka geliyaan ajanibi laakiin kooxdan budhcad badeedka ihi waxay doonayaan xoolo ay xantoobsadaan kol hadaan Silaanyo dib loo dooranayn.
Abdi Mustafe