Xildhibaanadii xaaraan quuta yaasha ahaa oo calaacal iyo cabaad ka dhamaaday markay maqleen waa la idin kala dirayaa by Abdi Mustafe

maqaal

Caqli xumida ku jirta xildhibaanaada loo yaqaan xaaraan quuta yaasha oo ah kuwa Kulmiye ee madaxtooyada wax looga soo laqimo ayaa durba calaacal iyo cabaad weyn ka muujiyey markay arkeen in ummadu aayahooda ka tashanayso oo ku waashay xildhaabaano la dooraty uun baa na bedeli kara. Xildhibaanadaasi waxay marayaan halkii faqashtii ee aanay is odhan jirin xukunka waa la idinka ridi karayaa. In ay duli yihiin waxa u daliila mid wal oo warbaahinta ka hadlay mar qudha sooma hadal qaadin doorashada ee waxay kaga dhegtay distoorka kuma jirto in nala kala diraa. Waanay fikireyn ee miyaanay ogeyn in ay xaaraan ku fadhiyaan oo ay distoorka beri hore jebiyeen. Xildhibaanada hadlaa gidigood waa inta aan tacliinta lahayn ee kuwii cilmiga lahaa wey aamusan yiin. Waxaan aad uula yaabay mar qudha afku kama xadayo doorasho ha la qabto ee qiiq baa ka baxaya oo busaarad baa u soo ureysa oo nala kala diri maayo uun bay ka qabsatay.
Hase ahaatee maanta cidi wax weydiin meyso kol hadii Waddani + Ucid + Madasha + midnmada London lagaga dhwaaqay ay dalkan aayihiisa ka tashanayan. Xaaraan quuta yaashu nasiib bay leeyiin haday shicibka ka nabad galaan oon meyd kooda meelahaa kolba mid laga helin sabab tuna tahay ka badh bay ahaayeen rogmashadii dalkan oo mar walba madaxtooyada ayay lacag kaga qaadanayeen waxaan Somaliland u dan ahayn.

Xildhibaanada xaaraan quuta yaashu waxay la mid yiin waraabihii waagu uugu beryey suuqa Hargiesa ee sidii loo eryanayay briijka ka dhacay ee Cabdi Malow lahaa:
ilaahay balankii barqaan kacay
bararugay goor la soo baxay
sidii bahalkii briijka ka dhacay
Birtiyo jiidhay labada baallood
Abdi Mustafe
Abdi_Mustafe123@yahoo.com