Xisbiyada iyo Madasha midna uma taalo waxa la yeelayo hadii doorashadu dib u dhacdo, dalkuna sharciyad ayuu leeyahay. Garyaqaan Maxamed-Nasir M Dhoore, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye USA.

Xisbiyada iyo Madasha midna uma taalo waxa la yeelayo hadii doorashadu dib u dhacdo, dalkuna sharciyad ayuu leeyahay. Garyaqaan Maxamed-Nasir M Dhoore. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye USA.
MAQAAL

Marka ugu horaysa waxan halkan ka salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxaan kaloo halkan ka salaamayaa guud ahaanba dhalinyarada Somaliland oo todobaadkan xusayay munaasibado kala duwan. Waxaan kaloo halkan ka hambalyaynayaa dalada dhalinyarada Somaliland xalka ay ka gaadheen khilaafaadkii soo kala dhex galay.

Intaa ka bacdi, waxaan rabaa in aan kelmad ka idhaahdo Xisbiyada Somaliland iyo madasha oo dhawaanahan ku baaqayay arimo dib u dhac ku ah nidaamka dimuqraadiga ah isla markaana marin habaabinaya shacabka reer Somaliland. Arimahaas oo ay ka mid yihiin in dawlad wadaag ah la dhiso iyo arimo kale oo badan oo werwer gelinaya shacabka reer Somaliland gudo iyo dibedba. Hadaba, waxaan marag ma doon ah in Xukuumadu ay soo diyaarisay dhamaanba shuruudihii loo baahnaa si ay doorasho u dhacdo oo ay ka mid yihiin in la diyaar gareeyay dhaqaalihii loo baahnaa, in gudidii doorashooyinka la dhiso oo waliba ay codsadeen xisbiyada mucaaridku, in sharciyadii la diyaariyo isla markaana baarlamaanka la hor geeyay, in madaxweynuhu uu madal loo dhan yahay oo ay joogaan shacabka iyo hayadihii dastuuriga ahaa uu ka sheegay in aanu diyaar u ahayn in maalin loogu daro. Somaliland waxay leedahay sharciyad iyo dastuur qeexaya waxa la yeelayo hadii doorashadu ay inoo dhici waydo wakhtigii loogu talo galay. Hadaba, suaashu waxay tahay, ma xisbiyada iyo madasha ayaa jeebada kala soo baxay hadalada ay ku baaqayaan.?
Waxaan ugu baaqayaa Xisbiyada iyo Madasha odayaasha ah in ay sharciyada dib ugu soo noqdaan oo ay akhriyaan sharciga Somaliland u yaala. Madasha iyo Xisbiyada midna uma taalo waxa la yeelayo hadii doorashadu dib u dhacdo, waxaanay arintaasi u taalaa hayadaha sharci dejinta. Xukuumadana uma taalo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka ee waxay u taalaa gudida doorashooyinka oo ay Xisbiyaduna kalsooni buuxda siiyeen. Waxaan leeyahay waa in sharciga la ilaaliyo oo aan dalka iyo dadka fawdo la gelin. Hadalada ay ku hadlayaan Xisbiyada mucaarika iyo madashu waxay si toos ah u jabinaysaa sharcigii wadanka u yaalay. Waxaan kaloo halkan ugu baaqayaa waaxda garsoorku inay si sharciga waafaqsan uga hadasho cid kasta oo sharciga jabisa isla markaana sharciga ku soo dabaasho.

Maxamed-Nasir Dhoore 

dhoore@live.com