DEG DEG: Mas’uuliyiin uga dhaawacmay DF weerarka Hotelka Maka Al-mukarama (Magacyo)

War goor dhow nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Weerarka ay weli Maleeshiyada Alshabaab ku heystaan Hotelka Maka Al-mukarama ay dhimasho iyoimage dhaawac kasoo gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia.

Mas’uuliyiinta ku dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalkanews Switzerland Yusuf Bari-Bari iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Yemen oo iyaguna Hoteelka weli ku dhex jira.

Sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay Weerarka Dr Cabdi-samad oo ka howlgala Isbitaalka Daru-shifa ee Magaalada Muqdisho, waxaana jiro warar sheegaya in sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Danjiraha ayaa ku sugnaa Hotelka oo weli ay ka socoto is rasaaseenta,waxana la maqlayaa Qaraxyo xoogan oo ka dhacaya Gudaha Hotelka.

Inta la Ogyahay 7-ruux ayaa ku dhimatay Weerarka waxana ku dhaawacmay dad kale oo intaasi ka badan.

Dhanka kale, Ciidamadda DF Somalia qeybahooda kala duwan ayaa isku dayaaya inay gudaha u galaan Hoteelka inkastoo aysan u suuragaleynin.

Salaanmedia/Mogdisho