1 /3Â / 2015
waxa aan salaamayaa war baahinta
daacadda ah
WAA KEENE IYO KORDHIYE.
KEENE. Waar yaa kordhiye saaxiib waxa la yidhi ujeedadii
Wasiirada iyo kuwa kale laysugu beddala -yay waxay ahayd
Laba ninoo ka codsaday adeerkood oo yidhi annagu miyaanaan
Reerke ahayn maxaa meel wax laga cuni karo naloo geyn waayay
Wakhtigina wuu kaa dhammaana-yaa .Runtii wana la geeyay .
KORDHIYE. Saaxiib  waxa la egayay in saddexdii bahal ee hore
La taabta,e dadku waxay la yaabeen in laba kale lagu soo daray
Oo labaduba ku fashikeen xilalkii hore ee loo dhiibay.
.
Immikana saaxiib waa afartii.
MAANSO Â la yidhaa . maanta yaa LIXLE udira
Doofaara badaniyo dhawr dumarabay hodan
U danbeedda xidhan-too.
Doob nacasa iyo oday iska daalanoo dhacay
Iyo jidhif ku dedan bay ku dulmaala-yaanoo.
Inta kalena dedafays iyo waxaanÂ
Dan laga gelin.
Waxa taana kaga daran .dulin iyo dhul didibaa
Dabar laysu saaroo.
Degaan-ta caws iyo markay daaqi weydee
Afartuba dabool meen.
Deg-dhawbaa ku maqan iyo inlasoo deldela-oo
Dubad keeda waax yaha . hadba laga dul heesoo
Shaashad layska daawado.
Dulmi inay ku sugantoo.geesigii difaaciyo
Daacad-nimo ku wadi laa .maanta inuu derbiga yaal.
Uu ka baqayo diririyo qax kaloo dilaacoo.
Xarshin iyo darooriyo hawd-kii la daatoo.
Intay buul yar deyraan. Bac yaroo dul taalana
Ay dabayli qaadoo.wax kastaa durreeyaan.
.
Dawarsiga shisheeyaha. Iyo gaalka dabayana.
Dalbadaan sidoodii. Inay digir gabaw-diyo.
Ka helaan wax duugoo. Dawadii dhammaa-tiyo.
Qudhin loo daldala oo. Badi ay ku duugmaan.
Dalki inuu sidaa yahay. Balse aanu weli dumin.
Doobir-baynnu leenoo. (RAXMAAN)kayna daba qaban.
.
Dagaal-kii qadhaadhaa ee calankan dahab kii
Maanta ina dul sudhan yahay.
Ku wii aa wadii degey daadahay-say geeridu.
Maanta inuu darxuma iyo hagaf-yadu ku doobyaan.
Denbigood ha dhaafoo. (ILAAHAY) dadkeenii
Ku wii samada loo diray .deeqdiisa fara badan.
Janno ugu duceeyee. Darkan ay ku furan tahay.
Maanta yaa .LIXLE . UDIRA.
INAY DOQONI MAASHOO WIXII TOODAÂ DIIDANA
- DULJOOGAAN MAANTA YAA LIXLE U DIRA.
WUXUU DOONAYOO LUMAY MAANTA YAA LIXLE UDRA.
Mahadna (ALLAA) iskale
Waa keene iyo kordhiye.