Somaliland & Astaanta calankeeda? (Questioning the unquestionable)

FLAGSomaliland & Astaanta calankeeda?

(Questioning the unquestionable)

Mahad dhamaanteed Allaah iska leh, nabadgelyo iyo naxariisiba korkiisa ha ahaato Nebigeena Muxamed ah (saw); ehelkiisa, asxaabtiisa iyo cidii dariiqiisa haysaba.

Soomaali waxaa si gaara ah ugu waajib ah inay Allaah ugu  shukrido  Islam-nimada uu ku manaystay oo maanta dadka Soomaalida ahi meel kasta oo ay joogaanba yihiin dad 100% Muslim ah sidoo kalena ku abtirsada Sunnada Nebiga (saw).

Saudi Arabia-na ku dhahoo ma jiro wadan Islaam ah oo dadkiisu (Islam iyo Sunni) wada yihiin Soomali mooyaane!  Waxaase jira dagaalo dhinacyo fara badan ka soo wajahan oo hada lagu doonayo in tiradaa (100%) ah wax lagaga dhimo. Waa ta sababtay in Jaamacado waaweyn oo Europe & America ku yaalaa ku bixiyaan kharash xad dhaafa sidii loo  diyaariyin lahaa “various researches” tibaaxaya in Soomaalidu sideedaba ahayn (homogeneous society) ama dad isku af iyo dhaqan ah, balse ay tahay (heterogeneous society) ama dad ku kala duwan afka iyo dhaqanka ! marka arinkaa si fudud lagaaga saxeexona (ilayn bidaari sibiq bay kugu gashaaye) laguugu xigsiiyo in  Somaliduba 98%  Muslim tahay, berina laga dhigo 95% saadanbana 90%.

Waxaa iyana dhagar labaad ah in iyadoo baahida dadka Soomaaliyeed haysata laga faa’iidaysanayo (beggars can’t be choosers) la furo xarumo gargaar oo hadafkooda koowaad ba yahay sidii mar uun Somaali Sunnada Rasuulka (saw ) loo seejin lahaa oo shiicanimo iyo khuraafaad kale loogu horseedi  lahaa sida hadaba Iran ka wado Muqdisho   (halkan riix)  iyo meelo kale oo badan, oo dadkii baahnaa rubuc bariis ah iyo “FREE” school shiico looga dhigay.

·        Calanka Somaliland

 Calanka Somaliland waxaa ku xardhan kalmada tawxiidka ee : (Laa illaaha ila Allaah Muxammedu rasuulu Allah)  macnaheeduna yahay in aanu jirin illaah xaq lagu caabudaa Allaah mooyaane. Waxaynu kale oo ogsoon nahay inay tahay furaha lagu soo galo Islaamnimada, sidoo kale haddii laga run sheego af iyo adinba tahay muftaaxa lagu furo albaabka Jannada.  Kalmadaasi waxay ka kooban tahay laba qaybood:

Qaybta kowaad 🙁Laa illaaha ila Allaah) waxay koobsanaysaa shuruudo ah in marka hore qofku cilmi u yeesho macnaheeda, yaqiin iyo kalsoonina ku qabo, aqbalo wax kasta oo ay farayso, wax kasta oo ay ka reebtana ka reebtoonaado, jacayl iyo ikhlaas fara badana u qabo Allaah.

Qaybta labaad: (Muhammadu Rasuullu Allaah) ayaa iyaduna sidaa si leeg wadata shuruudo ay ugu horeyso in uu qofku mutaabaceeyo ama uu si buuxda u raaco wuxuu amray (saw) – ficil iyo odhaahba- si buuxdana uga tago wixii uu ka tagay rasuulku(saw ) – ee diin ku tacaluqa- sidoo kale ay ku lamaan tahay kalgacal uu qofku u hayo Rasuulka ,ehelkiisa, asxaabtiisa iyo cidii dariiqiisa haysaba, kana ilaaliyo diintiisa in lagu daro wax aan ka mid ahayn wakhtigiisii iyo kii khulafadiisaba.

  • Xuska iyo dabaal dega 18th May

18th May gudo iyo dibedba waxaa laga xusaa oo loo dabaal degaa  “Maalinta xoriyada Somaliland” shayga ugu weyn ee lagu muujiyo maalintaasina waa calanka Somaliland ee ay ku xardhan tahay kalmada tawxiidka ee aynu kor ku tilmaanay macnaheeda &  miisaankeedaba .

Waxaa hadaba is weydiin leh maalintaas (fagaarayaasha ) iyo habeenkeeda (cawaysyada)  dadka dabaal degayaasha ahi maxay ka sameeyaan?

Intiina badani wada aragte oo idinkaaba markhaati ka ah in calankaa magaca Allaah ku qoran yahay laga dhigto masar, luqun xidh, gunti iyo googaradba! sidoo kale lagu xardho koofiyadaha (hadhowna musqulaha lala galo) oo xataa ninka biyoolaha ahi dameerkiisa karbaash uga dhigto!

Intaa waxa dheer in habeenkiina la tago caweysyada oo fanaaniinta kuwooda ugu mudan la soo casuumo halkaasna ay qoob ka ciyaar iyo music laga tumo( halkan riix ) – dabcan iyadoo calankiina meel kasta la sudhay-  dadka oon si fiican u asturnayna (siiba dumarku) halkaa ku waabariistaan – calashaan xuska 18th May- !

Waxay sheegaan in wakhtiyadii hore ee Soomalidu qabiilka isku dili jirtay nin odey ahi ka qayb galay dagaal dhex maray reer kooda iyo kuwa kale, wuxuu dagaalkii socdaba goor casar liiq ah ayaa la kala food qaaday ninkii odeyga ahaa oo salaada tukan jirey ayaa ogaaday inaanu maantaba salad tukan! gacmahiisii oo wada dhiig iyo xinjir lahaa awgeed ayuu weysadii qabsan kari waayay ! mid ag taagnaa ayuu ku yidhi “waar biyaha iigu shub…bismillaahi raxmaani raxiiim” kiibaa intuu sidaa u eegay ku yidhi “waar hebel oo salaadna waad tukanaysaa, waxanina waa dhiig islaame waa sidee” ninkii odeyga ahaa baa ugu jawaabay “oo anagu reer hebel baanu colownaye ma Ilaahay baanu colownay, waar iigu shub weysada!”

Waxaa  taa la mida intaad calan tawxiidku ku qoran yahay ganbo iyo guntiba ka dhigato hadhowna ku andacooto: “18 may xusayaaye waa maxay danbigan aan galay?”

Fiiro gaara: Ma aaminsani inay jiraan cid is leh wax u dhima tawxiidka Allaah balse waxaa jira aqoon daro iyo baraarujin la’aan fara badani.

  • Doorka Culimada & Wasaarada Diinta

Culimadu waa inay sii laban laabaan wacyi gelinta iyo baraarujinta arinkan siiba wakhtiyada ay soo dhowaato xuska 18th May. Waxaa kaloo daruuri ah  in wasiirka diinta iyo awqaaftu soo saaro wareegto heer qaran ah oo faraysa dhamaan waaxaha dawliga ah, ciidamada nabdgelyada, ganacsatada iyo shacabkaba in aan calanka Somaliland loo adeegsan karin arimahaas aynu kor soo sheegnay, gidaar lagu dhegin karin, gunti laga dhigan karin, dhididka lasykaga biin karin, music iyo qoob ka ciyaarna loo adeegsan karin, boqor iyo suldaan dhintayna hoos loogu dhigi karin, wax kasta oo ihaano u keeni kara calankaa iyo tawxiidkaa ku xardhana aan la ogolayn, cidii jabisa amarkaana ay ciqaab mutaysan doonto. ilayn universal TV waxaa loo xidhay madexweynahuu wax ka sheegaye!

Somaliland ha dhowrto sharafta iyo karaamada ay kalmadani xanbaarsan tahay, haddii kale  shay u qalma in dhididka layskaga biiyo haka dhigato astaanta calenkeeda!

Ma laga yaabaase in ictiraafkan adkaaday xaga laga haystaaba tahay dulaynta (aan loo qasdin) ee lagu hayo calanka iyo tawxiidka ku xardhan ? waxaan ku soo af-meerayaa intaynu ictiraaf cid kale ka raadinayno aynu inagu calankan ictiraafno.

Tusan

zekidool@hotmail.com