Wariye Maxamed Bashiir oo Maanta la horkeeni doono Maxkamad ku taala Magaalada Muqdisho

Iyadoo muddo toddobo bilood uu ku xidhan yahay Xabsiga Dhexe Xamar, ayaa waxaa Isniinta maanta ah lagu wadaa in Wariye Maxamed Bashiir Xaashi, uu ka soo muuqdo Mimageaxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gacanta ku haysa Maxkamadaynta Wariyaha, ayaa 2-dii bishan amartay in dib loogu celiyo Xabsiga Dhexe, markii Xeer Ilaalinta ay sidaasi soo jeedisay.

Xeer Ilaalinta, ayaa ku doodeysa inay jiraan eedeymo loo heysto Wariyaha, oo ka baxsan eedeymaha kolkii hore loo soo xiray.

Abukaate Cali Xalane oo ka mid ah qareenada difaacaysa Wariyaha, ayaa sheegay inay berrito ogaan doonaan waxa ay Xeer Ilaalintu ku soo eedeyso Tafaftiraha Idaacada Shabelle Maxamed Bashiir.

Abukaataha, ayaa rumeysan inaan wax dembi ah lagu heli doonin Wariyaha, isla-markaana ay Isniinta ka shaqayn doonaan, sidii oodda looga qaadi lahaa.

Hay’adda Amnesty International, ayaa bishii hore ee Febraayo Dowladda Somaliya ugu baaqday inay cadaalad helaan Wariye-yaasha sanadkii tagey lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Amnesty, ayaa sanadkii 2014-ka ku macneysay sanad dhib badan oo soo maray Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho.