Dacwaddii Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Maanta La Soo Gabagabeeyay Iyo Wakhtiga Lagu Dhawaaqayo.05.04.17

Dacwaddii Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Maanta La Soo Gabagabeeyay Iyo Wakhtiga Lagu Dhawaaqayo.05.04.17Coldoon
(SM-Hargeysa)-Dacwaddii Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, iyadoo Natiijada dacwadda lagu dhawaaqi doono maalinta sabtida ah sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamaddu.
Weriye Coldoon oo markii maxkamadda lasoo taagay ka sheekeeyay wax-qabadkiisii iyo wanaaggii faraha badnaa ee uu u qabtay dalkiisa Somaliland ayaa ilmeeyay isagoo sheeegay in sababta uu la ilmeeyay aanay ahayn inuu ka cabsi qabo maxkamadda balse ay tahay sida loogu abaal guday isagoo wanaag faro badan dalkiisa iyo dadkiisa u sameeyay.

Salaanmedia /Hargeysa/Office