Dawlada Ingiriiska Oo Sheegtay Inuu taageero Siyaasadeed iyo Mid Farsamo Siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Daboolkana Ka Qaaday Wada Hadal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Maamulka Puntland.08.04.17

1-64-90x90
Hargeysa(SM)April.8,2017-Dawlada Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro wada hadal u dhaxeeya dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Somaliya,waxaana ay sheegtay in ay wada hadalkaasi taageersan tahay oo ay gacan ka gaysanayso.

Wasiiru dawlaha Ingiriiska ee dalalka Barwaaqo Sooranka Baroness Anelay oo maalmo ka hor la hadlaysay aqalka baarlamaanka Ingiriiska ayaa waxa la waydiiyey taageerada uu Ingiriisku siiyo degenaanshaha siyaasadeed ee Somaliland,waxaana ay wasiiradu ku jawaabtay

“Ingiriiska waxa wali ka go’an xoojinta xasiloonida siyaasadeed ee Somaliya oo ay ku jirto Somaliland.Waxaanu taageero ka gaysanaa wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Maamulka Puntland oo daris ah iyo ka u dhaxeeya dawlada Fadaraalka Somaliya ee la xidhiidha danaha ay wadaagaan Somaliland.Ingiriisku waxa uu xubin Firfircoon ka  yahay koox deeq-bixiyayaal calaamiya oo taageero farsamo,dhaqaale iyo siyaasadeed siiya guddiga doorashooyinka qaranka iyo guud ahaanba doorashooyinka Somaliland.Waxa caawimadaas ka mid ah 2.18 Milyan oo giniga Ingiriiska ah oo uu Ingiriisku ku taageeray qorshaha diyaarinta iyo gaadhsiinta diiwaangalinta codbixiyayaasha Somaliland ee loo adeegsaday farsamada sawirka indhaha”.

Gabagabdiina ma jirto meel ay dawlada Somaliland hore ugu sheegtay inuu jiro wada hadal ay kula jirto maamul goboleedka Puntland ee ay ka dhawaajisay dawlada Ingiriisku.

 

 

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Geeska