HOGAAMIYE XIRSI CALI XAAJI XASAN OO KA HADLAY DAMACIISA KU AADAN GUDDOOMINTA WADDANI, MUSDAMBEEDKA XISBIGA IYO TAAGEERADA UU KA HAYSTO BURCO.05.04.17

XirsiiXirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Hadlay Damaciisa Ku Aadan Guddoominta WADDANI, Musdambeedka Xisbiga Iyo Taageerada Uu Ka Haysto Bariga Burco

“Guddoomiye Cirro Dabadii Cabdiqaadir Jirde Ayaanu U Codeynay, Musdambeekuna Waa Taageerayaasha Xisbiga Oo Mushkilad Maleh”

Sweden (SM)-Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii ugu horaysay si buuxda uga hadlay damaciisa guddoomiyaha WADDANI Cirro kadib.

xirsi-Cali-Xaaji-Xasan
Hogaamiye Xirsi ayaa sheegay in Cirro dabadii uu xisbiga guddoomintiisa la wareegi doono Cabdiqaadir Jirde oo hadda ah guddoomiyaha kumeel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan qaaradda Yurub ayaa sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu Cabdiqaadir Jirde kula tartamo guddoomiyaha xisbiga mustaqbalka dambe, hase yeeshee waxa uu sheegay inaanu ka faaloon doonin waxa dhici kara mustaqbalka iyo waayaha siyaasadeed ee dambe, Xirsi oo arrimahaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Cirro dabadii waxaanu u codeynay oo u qorsheynay Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde oo ah nin ehelu sharaf ah , xisbigana ka mid ah isla markaana gudoomiyaha ku meel gaadhka iminka ah , run ahaana aniga saxiibkey ah, Aniguna hogaamiyaha xisbiga ayaa la ii doortey oo aan iminka ku shaqeeyaa oo shaqadiisu qoran tahay , Ciro dabadiina maxaad noqon doonta waxaan leeyahay waxii alleh iga dhigo uun baan noqon doona , oo iminka meel aan isku sharaxo ma banaana oo saddex musharax baa taagan markaas taas dabadeed baynu ka tashan doona insha allah” .

Xirsi Xaaji Cali ayaa sido kale ka hadlay xanta la xidhiidha inuu xisbiga WADDANI leeyahay musdambeed iyo dad talo qabeen ah oo xisbiga laga qadariyo talooyinkooda, waxaana uu sheegay inuu xisbigu taageerayaashiisa dhagaysto ayna jiraan shakhsiyaad xisbi walba gundhig u ah dhinaca talada, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Wax musdambeed la yidhaahdaa ma jiro oo xeerarka xisbiga iyo qaab dhismeedkiisa meelna kagama jiro laakiinse oday sharafeedka xisbi waliba wuu leeyahay oo WADDANI wuu leeyahay KULMIYE-na wuu lahaan jiray markii aan joognay, odayaal xisbiga ah oo taageerayaal ah kuwaas ayuunbaa ama Musdambeed lagu tilmaamaa, ama akhyaar lagu tilmaama ama guurtida xisbiga, waana taageerayaashii xisbiga oo mushkiladi kama taagna”.

Ugu dambayn Xirsi Xaji Cali ayaa sheegay inuu dalku dimuqraadi yahay isla markaana aanay jirin cid beesha bariga Burco codkeeda cid gaar ah u xidhi kartaa.

Salaadiinta Iyo Cuqaasha Waqooyiga Hargeysa Oo Safar Ay Taageero Ugu Raadinayaan Murashax Muuse Biixi Ku Tagay Gobolka Awdal

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday