Shirkadaha Laydhka Ee Gaarka Loo Leeyahay Oo Qaadacay Go,aan Uu Wasiirka Macdanu Ku Doonayo Inuu Kooto Laydhka Ugu Xidho Shirkad Gaara.23.04.17

Shirkadaha Laydhka Ee Gaarka Loo Leeyahay Oo Qaadacay Go,aan Uu Wasiirka Macdanu Ku Doonayo Inuu Kooto Laydhka Ugu Xidho Shirkad Gaara.

1Kadib Markii Uu Wasiirka  Wasaarada Tamarta Iyo Macdanta  somaliland xuseen cabdi ducaale Uu Shir isugu yeedhay 5 shirkadood oo kamida shirkadaha laydhka u kala baahiya gobolada dalka Isla markaasina ay ka soo qayb galeen shirkado ay kamid ahaayeen

1- Shirkada Laydhka Ee   Gaafane electric
2- Shirkada Laydhka Ee  National electric
3- Shirkada Laydhka Ee Tec
4- Shirkada Laydhka Ee Gurmad
5- Shirkada Laydhka Ee Som-Power

Ayaa Waxaa Shirkaasi Dibada Uga Soo Baxay 4 Shirkadood Oo Aanay Ku Jirin Shirkada
SOM-POWER Oo Uu Wasiirku Doonayey Inuu Kooto Ugu Xidho Gabi Ahaanba Baahinta Laydhka Dalka Balse Waxaa Arintaasi Ka Gadooday Shirkadihii Kale Waxaanay Dibada Uga Soo Baxeen Shirkii Wasiirku Iskugu Yeedhay,

Shirkadahani Ka Gadooday In Si Gaara Kooto Loogu Xidho Baahinta Laydhka Dalka Shirkada SOM-POWER Ayaa Waxa Ay Warbaahinta Kula Hadleen Afaafka Horre Ee Wasaarada Macdanta,
Waxaana ugu Horeyn Halkaasi Ka Hadlay Axmed Siciid Cabdi (Mareeyaha Gaafane electric). Waxaana Uu Yidhi. ”

“Wasiirka Tamarta Iyo Macdanta waxaanu u aragnaa inuu wado Iska Horkeen Qas Iyo Qalalaase Iyo Amni Darro Uu Ka Dhex Abuurayo Shirkadaha Dhexdooda, Waxaanu dibada uga soo baxnay shirkaa uu wasiirku gudoominayey kadib markuu damcay inuu kooto ugu xidho laydhka shirkada SOM-POWER   Hadaan Si Degdeg Ah Wax Looga Qaban Wasiirka Ayaa Ka Masuula Wixii Ka Yimaada, “

Maxamed xuseen Muxumed (Mareeyaha National electric). Eng. Muuse Cali Cige (Maareeyaha shirkadda laydhka TEC). Maxamuud Jabuutaawi  (Maareeyaha shirkadda Laydhka Gurmad Oo Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Si Iskumida U Qaadacay In Shirkad Gaara Kooto Loogu Xidho Laydhka Dalka, Waxaana Ay Xukuumada Ugu Baaqeen In Arintaasi Si Deg Deg Ah Ay U Soo Fara Galiso. Hadii Kalena Waxa Ay Sheegeen In Wixii Arintaasi Ka Yimaada Uu Masuul Ka Yahay Wasiirka Tamarta Iyo Macdanta Somaliland…