Weerar Gaadhi loo adeegsaday oo ka dhacay Sweden iyo Khasaaro badan oo ka dhashay (Daawo Sawirada)07.04.17

Weerar loo adeegsaday gaari nuuca Xamuula qaado ah ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden, waxaana weerarkan ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ku dhintay shan qof halka tiro kale waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dadkan si ula kac ah loo jiirsiiyay baabuur weyn oo nuuca xamuulka qaado ah, waxa uuna weerarkan ka dhacay wadada Drottninggatan ee magaalada Stockholm..

Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warameysa in goobta uu weerarku ka dhacay laga maqlay rasaas aan la ogeyn cida rideysa, ciidamada amaanka ayaan halkaasi kawada howlgal iyo baaritaano ku aadan weerarkan.

Ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan lofven ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan gaariga xamuulka loo adeegsaday, waxa uuna ku tilmaamay in weerarkaasi uu yahay fal argagaxiso oo ka dhan ah dowlada Sweden.

Weeraro badan oo loo adeegsaday gaadiid dad si ula kac ah loo jiirsiiyay ayaa ka dhacay wadamo badan oo kuyaala Qaarada Yurub, waxaana inta badan weeraradaasi sheegata in ay ka dambeeyeen Kooxda Daacish.