Xubno Ka Tirsan Guddiga Komishanka Qaranka Oo Socdaal Ku Tagey Magaalada Borama Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

April 5, 2017 Boorama (SM) –Wararka naga soo  gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal soona gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in xubno ka socda guddiga Komishanka qaranka Somaliland ay socdaal ku tageen magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.
Xubnahan ka socda guddiga Komishanka ayaa waxa sida naloo sheegay hogaaminaya gudoomiye ku xigeenka guddiga Komishanka qaranka Somaliland iyaga oo wakhti xaadirkana ku sugan magaalada Borama.
Xubnahan guddiga komishanka ayaa u socda sida ay xoguhu noo sheegayaan sidii ay usii gogol xaadhi lahaayeen isla markaaan usii diyaarin laahaayeen hawlaha qaybinta kaadhadhka codbixiyaha oo la sheegay in magaalada Borama laga bilaabayo 29 bishan aynu ku guda jirno,sidoo kalena waxa waftigan ay diyaarinayaan goobaha ay shacabka Borama ka qaadanayaan kaadhadhka.
Sidoo kalena xubnahan ka socda guddiga ayaa waxa la sheegay inay kulamo la qaadanayaan maamulka gobolka Awdal ,odayaasha iyo madax-dhaqameedka gobolka Awdal sidii ay bulshada ugu dhiiri galin lahaayeen inay bulshada ka dhaadhiciyaan inay qaataan  kaadhadhka codbixinta doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada,wakiilada iyo  golayaasha deegaanka oo loo qoondeeyey inay qabsoonmaan dhamaanka Sanadkan 2017-ka iyo 2019-ka.
Gabagabadiina socdaalka xubnaha guddiga Komishanka ka socda ayaa kusoo beegmaya wakhti dhawaan la filayo inay gobolada dalka ka bilaabaan qaybinta kaadhadhka codbixiyaha.

?

Salaanmedia/Boorama