Al-shabaab oo Baahisay Muuqaalka Askari Kenyan ah Oo Ay Gacanta Ku Hayan May 20,2017

Al-shabaab oo Baahisay Muuqaalka Askari Kenyan ah Oo Ay Gacanta Ku Hayan
May 19, 2017 (SM) –Kooxda Al-shabaab ayaa xili hore maanta baahisay muuqaalka askari ka tirsanaa ciidamadda Kiiniya oo bishii January ee sanadkii hore ay nolol ku qabteen ka dib markii ay weerareen saldhig ay ku lahaayeen degaanka Ceelcadde ee gobolka gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Askarigan oo lagu magacaabay Alfred Danyi wuxuu ka mid ahaa 11 askari oo kenyan ah oo kooxda Al-shabaa gacanta ku dhigeen, ayaa ka codsaday shacabka Kenya in laga saaro gacata kooxda haysata, waxaana muuqaalka soo bandhigay hay’adda u qaabilsan Al-shabaab dacaayaadka ee Al-kataa’ib Foundation
“ilaa iyo hadda, waanu u afduubanahay, welin wax war ah kama helin dowladeena , mana helin wax caawin ah, waxaan ka codsanaynaa shacabka kenya inay ay ku midoobaan sidii xal loogu heli lahaa xaalada aanu ku suganahay hadda, Ma jiro qof kale oo na caawinaya oo idiinka ahayn” ayuu yiri alfred Danyi
Kooxda Al-shabaab wax dalab ah kuma soo bandhigin oo ay doonayaan inay ku bedeshaan 11 askari ee gacanta ku hayaan, sidoo kale ma sheegin wuxuu noqon doono muqtaqablka askarta keenyaanka.
Gabagabadii, Bishii Januar ee 2016kii ayaa ciidamada Al-shabaab qaybta Saleh Ali Nabhan ayaa xoog ku jiireen saldhigii milatery ee Ciidamada Kiiniya ay ku lahaayeen Degaanka Ceelcade, waxaana la aamisan yahay in ilaa 200 askari ay ku dhinteen weerarkaasi.IMG_3271