Daawo Muqaal:Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre “Waxaan Idin Kugu Baaqayaa Inaad Garab Istaagtaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir” (Video).18.05.17

Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre “Waxaan Idin Kugu Baaqayaa Inaad Garab Istaagtaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir” (Video).18.05.17

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Xaflad lagu taageerayay gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, Wuxuuna sheegay inuu shacabka gobolka Banaadir ka dalbanayo iney taageeraan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaquuqda gobolka Banaadir oo uu sheegay in dowladu ay si feejigan uga shaqeyn doonto.

Dhanka kale, RW Kheyre ayaa tilmaamay inuu ka digayo in dalka loo celiyo halkii laga soo gudbay isla markaana qaab qabiil la isaga horkeeno bulshada “Dowladan maanta taageeradiina ayay ubaahan tahay, hadii aad taas sameyn waysaan dalka meeshiisii hore ayuu labaanaya” ayuu yiri RW Xasan Cali Kheyre.

Salaanmedia/Hargaysa