Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo casumad ka helay Gudoomiyaha Bin ham group of Companies ee dalka Imaaradka Carabta,Ahna xubin ka tirsan aqalka barlamaanka UAE+Sawiro

Sabti.20.05.17Harg(SM)Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo casumad ka helay Gudoomiyaha Bin ham group of Companies ee dalka Imaaradka Carabta,Ahna xubin ka tirsan aqalka barlamaanka UAE+SawiroIMG_3300

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku sugan dalka Imaaraadka carabta oo ay casumad rasmi ah ka helay Sheikh Musallam Bin Ham Al Amri oo ka tirsan barlamaanka dalka Isutaga imaaraadka Carabta ahna gudoomiyaha shirikadda weyn ee Bin Ham group of Companies.IMG_3313

Kulanka oo in badan laga shaqeeyey ayaa waxa qayb weyn ka qaatay Eng Deeq Axmed Ducaale iyo Cismaan Axmed Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanadda reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaaraadka Carabta. Kulanka oo in mudo ah qaatay ayaa waftiga ka socday Somaliland ee uu hogaaminaayey Gudoomiye Ciro ay uga warameen xaaladda Dalka Somaliland ku sugay yahay,Abaaraha,horumarka waga ganacsiga,xidhiidhka wacan ee imaaraadka iyo Somaliland.IMG_3301

Kulanka oo aad u qiimo badnaa waxa uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo guul.

Lasoco wararkayaga danbe wixii kasoo kordha Insha Allah.

Salaanmedia/UAEIMG_3298