Jaaliyada magaalada Sheffield ee dalka Ingriiska oo deeq lacageed gaadhsiiyay qoyska macalin Axmed.24.05.17

Jaaliyada magaalada Sheffield ee dalka Ingriiska oo deeq lacageed gaadhsiiyay qoyska macalin Axmed.24.05.17

IMG_3667

Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffeild ee dalka Ingiriiska ayaa deeq dhaqaale oo gaadhaysa $400- oo doolar u diray ama ugu tabarucay qoyska macalin Axmed oo ku nool duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa, lacagtani ama deeqdani oo uu soo ururiyay Yusuf Cige oo ku nool magaaladaasi Sheffeild, waxa uu u soo wakiishay oo deeqdaasi gaadhsiiyay qoyskani danyarta ah mid ka mid ah musharaxiinta golaha wakiilada Somaliland ee ka sharaxan magaalada Hargeysa mudane Jamaal Adan Diiriye.

Macalin Axmed ayaa ah aabo indho beelay isla markaasina haysta caruur aad u yar yar, taasi oo ay caruurta hooyadoodna ay dhawaan geeriyootay, macalin Axmed ayaa aad iyo aad ugu mahad naqay isla markaasina duco u soo miisay dhamaan dadkii ka soo qayb qaatay tabaruca loo gaystay, waxna uu duco u soo miisay cid kasta oo soo xustay soona xasuusatay.

Salaanmedia/Sheffield