Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa+Agaasimihii Maamulka Dawlada Hoose Oo Shaqadii Laga Joojiyey,Cidda Ka Joojisay Iyo Sababta Looga Joojiyey Oo Musuqmaasuq La Xidhiidha Hargeysa.May.22,2017-

Khilaaf Culus Oo Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeysa+Agaasimihii Maamulka Dawlada Hoose Oo Shaqadii Laga Joojiyey,Cidda Ka Joojisay Iyo Sababta Looga Joojiyey Oo Musuqmaasuq La Xidhiidha

IMG_3484
Hargeysa(SM)May.22,2017-Warar xog ogaal ah oo soo ifbaxaya ayaa waxay sheegayaan in khilaaf aad u xoogani uu ka dhex qarxay masuuliyiinta dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa.
Waxaana khilaafkani uu u durba ka dhex qarxay maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco iyo xoghayaha cusub ee dhawaan lasoo magacaabay Cali Xasan Cawaale,khilaafkaas oo sabab u noqday sida ay Saraakiil dawlada Hoose ka shaqeeyaa ay noo sheegeen in shaqadii laga joojiyey agaasimihii maamulka dawlada Hoose caasimada Hargeysa Maxamed Maxamuud “Roodhile”.
Agaasimahan shaqadda laga joojiyey ayaa lagu soo eedeeyey inuu ku dhaqaaqay falal iskugu jira Anshax xumo iyo Musuqmaasuq taas oo sabab u noqotay shaqo joojintiisa,waxaana naloo sheegay in agaasime Maxamed Roodhile uu xafiiska xoghayaha Fulinta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa lasoo galay Jeeg ay ku qoran tahay Lacag dhan Saddex Iyo Toban Milyan oo Shilling Somaliland ah (13,000,000 SLSH),waxaana uu xoghayaha dawlada Hoose Cali Xasan Cawaale ka dalbaday inuu u saxeexo Jeegan lacagta ah,balse markii uu xoghayuhu waydiiyey Lacagtan iyo waxa ay ku baxayso ayaa waxa uu ku wargeliyey xoghayaha inuu isagu gaar u leeyahay oo uu siiyey maayarka Caasimada Hargeysa isla markaana uu kasoo saxeexay,waxaana taasi sababtay in labadan masuul uu dhex maro khilaaf adag oo is fahan waa ah,waxaana xoghayaha Fulintu uu go’aansaday inaanu saxeexin Jeegan Lacagta ah maadaama aanu garanayn waxa ay ku baxayso ayna tahay lacag Musuqmaasuq ah.
Intaasi kadib ayaa xoghayuhu waxa uu ku wargeliyey Agaasimaha inaanu saxeexayn,jeegana uu yahay mid uu soo samaystay,waxaana agaasime Maxamed Roodhile markii uu xoghayuhu sidaasi ku wargeliyey uu si cadho leh xoghayaha hortiisa ugu jarjaray Jeegii ay lacagtu ku qornayd.
Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo uu agaasimahani sheegay inuu u saxeexay lacagtan Ayaan isagu dhinacna iskaga duwin lacagtan aadka u badan ee dhan Saddex iyo Toban ka Milyan iyo waxa ay ku baxayso,waxaana maayarku uu ka cadhooday xoghayaha Fulinta dawlada Hoose oo hor istaagay inuu saxeexo lacagtaasi,intaasi kadib ayaa saraakiil Dawlada Hoose ka shaqeeya waxay noo sheegeen in xoghayaha dawlada Hoose caasimada Hargeysa uu shaqadii ka joojiyey agaasimihii maamulka dawlada Hoose Caasimada Hargeysa Maxamed Maxamuud Roodhile,waxaana si ku meel gaadh ah loogu dhiibay agaasimihii maamulka xisaabaadka dawlada Hoose.
Khilaafkan saddex geesoodka ah ee ka dhex qaray maayarka Caasimada Hargeysa,Agaasimaha maamulka dawlada Hoose oo iyagu isku dhinac ah iyo xoghayaha cusub ee dawlada Hoose Ayaan la garanayn halka uu saldhigan doono.

Salaanmedia/Hargaysa Source Ramaasnews