Ma Dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Isku Shaandheyn ku Sameeyo Golaha Wasiiradda+Wasiirada Falaadhu Ku Ganan Tahay?22.05.17

Ma Dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Isku Shaandheyn ku Sameeyo Golaha Wasiiradda+Wasiirada Falaadhu Ku Ganan Tahay?22.05.17
Hargeysa(SM):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu xilka qaadis iyo isku bedel ku sameeyo xubno kamid ah golaha Xukuumaddiisa. Ma jiro War si cad daboolka uga qaadaya amuurtaa oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda.

Hase-yeeshee Warar Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow qasriga dalka looga arrimiyo, ayaa tibaaxay in xubnaha xilkooda waayi doona ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Md. Shacayb Maxamed Muuse iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Cumar Shacayb, kaddib markii sida xoggaha lagu sheegay labadan wasiir Madaxtooyaddu ku heshay arrimo iskugu jira fashilin xogo ku Sirta Dawladda oo la xidhiidha heshiiska Wareejinta Dekedda Berbera, halka kan labaadna lagu ogaadday xidhiidho sameeyey Xubno kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Gabiley, kuwasoo Siyaasad ahaan u jan-jeedha dhinaca Mucaaridka.

Geesta kale, Wararka arrimahan la xidhiidha waxay daboolka ka qaaddeen Madaxweyne Siilaanyo inuu xilalka u kala bedeli doono afar Wasiir oo kamid ah xubnaha ugu shilis Xukuumadiisa, xubnahaas ayaa sida Wararku xuseen waxa kamid Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi oo lagu wado in loo bedelo Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, halka Wasiirka Macdantana loo bedelaayo Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeyta. Labada wasiir ee iyanna qorshaha shaxdan ku jira waxa ay kala yihiin Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi aadan iyo Wasiirka hawlaha guud Md. Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexan) kuwasoo midna sida lagu wado la geyn doono Madaxtooyadda (Wasiir Samsam Cabdi Aadan Madaxtooyadda) halka Wasiir Cali Mareexan-na loo sii wado Wasiiradda Maaliyadda.

Qorshaha isku bedelka afartan wasiir ee ugu tunka weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida la sheegay tallaadiisu waxa ay ka timi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi, oo isaggu dagaal Siyaasadeed qarsoodi ah kula kala jiraa Wasiiradda Madaxtooyadda iyo Maaliyadda, sidaas darteedna sida iluhu tibaaxeen waxa qorshaha arrinkani uu noqday mid Gudoomiye Muuse Biixi uu ka waddi waayey inuu ku dhaqaaqo inta aan Doorashada la gaadhin, sababta oo ah hadii labada wasiir ee Maaliyadda iyo Madaxtooyaddu xilalka kusii nagaadan, waxa uu arkaa inay khatar ku yihiin guushiisa Doorashadda, maadaama labada Wasiir midkoodna aanu la dhacsanayn Musharraxnimada Muuse Biixi ee Mustaqbalka asbaabo kala gaar-gaar ah awgood.

Sidoo kale, waxa xoggahani hoosta ka xariiqeen in fulinta arrinkani haddii uu sida u dhaco waxa aan shaki ku jirin inuu yahay talaabo guul ah oo usoo hoyatey Gudoomiyaha laba nafood dhowrka ah ee Xisbiga Kulmiye, balse hadii uu qorshani uu noqdo mid fuli waaya, waxa, iyana aan mad-madow ku jirin oo cad Gudoomiye Muuse Biixi inaan waxba ka jirin hadallada wacwacan ee Madaxtooyadda ku sa’sasabto Gudoomiye Muuse Biixi. Hase-yeeshee waxa dhacdadani kala cadaan doontaa Maalmaha iyo bilaha soo socda, kolka Kulaylka Doorashadda xaraaradiisu dhinac walbaa ka kacdo.IMG_3536