Soo dhaweyn xisbiga Kulmiye kusoo dhaweyeen magalaadda London Cali Garaad Maxamud Garaad Cali Shire (Ali Garaad) iyo is-xogwareesi Xisbiga Kulmiye UK oo ka dhacay magaalada London

Shir iskugu jira soo dhoweeyn loo sameeyey Cali Garaad Maxamud Garaad Cali Shire (Ali Garaad) iyo is-xogwareesi Xisbiga Kulmiye UK oo ka dhacay magaalada London

3

London 24.05.2017: Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye UK oo shir soo dhaweeyn ah u sameeyay Cali Garaad Maxamud Garaad Cali Shire (Ali Garaad) oo ka soo jeeda hoggaan dhaqameed taariikda Somaliland ku suntan.4
Shirkan ay Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye la yeesheen Cali Garaad Maxamuud Garad Cali Shire wuxuu ka dhacay magaalada London, oo si xamaasad iyo kalgacayl ku jiro ayaa Garaad Cali loogu soo dhoweeyay. Guddiga Fulinta iyo Garaadka ayaa si mug iyo miisaan leh uga wada hadlay marxaladada wadanku marayo iyo wax qabadka Xisbiga Kulmiye muddadii uu xilka hayay iyo sidaa loogu bahan yahay in siyaasada horumarka iyo waxqabadka Xukumada Xisbiga Kulmiye loo sii wadi lahaa si loo gaadho qorshaha 30ka sanno ah ee uu dhigay. Waxaa si wanaagsan la iskula qaatay doorka hoggaan dhaqameedku ku leeyahay bulshada iyo sida iyadoo la isku duuban yahay uu qayb libaax uga noqon lahaa sii wadista horumarka Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisa.
Dhinaca kale Garaadka ayaa aad uga mahadnaqay casuumada iyo soo dhoweeynta Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye UK, waxaa uu ku ammanay sida karaamada iyo xilkasnimada leh ee ay u wadaan hawlaha Xisbiga UK kana suurtogeliyeen inuu noqdo Xisbiga keliya ee hantay tirada ugu badan shacabka Somaliland ee ku noolaada UK. Waxaa la isla qaatay in Ololihii UK ka bilaabmay oo aan loo kala hadhin. Garaadku waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu caawa laga bilaabo uu yahay xubin firfircon oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye, kana qayb qaadan doono sidi uu Xisbigu mar kale talada dalka ugu guulaysan lahaa.2
Waxa uu ammaan baladhan u soo jeediyay Madaxwaynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo uu sheegay in uu yahay halyay wax qabad ay taariikduna qortay.

Ugu dambayn shirka ayaa ku soo dhamaadaday farxad iyo is afgarad. Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye UK oo dardar galiyey hawlaha Xisbiga UK iyaga oo ka go’an tahay in Xisbiga ku soo daraan dhammaan Muddanta iyo haldoorka Reer Somaliland ee degan UK.1 3 5 6

Allah Mahad leh

Kosar Aideed Abdi
Gudida Warbaahinta Xisbiga Kulmiye UK