26 Juun 1960 Markii Dhulka Lasoo Dhigan Calankii Gumeystihii Ingiriiska (Habeen Taariikhi Ah)
June 26, 2017
Xalay (Caawa) oo kale kale, 26 Juun 1960, waxay dadkii wakhtigaa ku dhaqnaa geyigan Somaliland u ahayd guul iyo gobanimo. Waxay ahayd habeenkii u horaysay ee ay ku seexdaan xorriyad dhulkooda ay ku maamushaan, kadib markii ay xalay oo kale 12 habeennimo xaqiijiyeen gebagebaynta habeenkii dheeraa ee ay muddada 86-ka sannadood ah la halgamayeen, dhulkana soo dhigeen calankii Gumeystihii Ingiriiska, dabadeedna ay ku seexdeen farxad, nayaayiro, qiiro, xamaasad iyo gobanimo. Habeenkaas 26 June, 1960.
Daawo Maalintii Kowaad ee Xoriyada somaliland {Beerta xoriyada hargaysa 26june 1960)