Daawo Sawirada Warbaahinta Daacish oo qiratay dhimashada Hogaamiyahoodii iyo Ninka lagu badalay !!16.7.16

Qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka ururka la magac baxay Qilaafada Islaamka ee Daacish ayaa qiray dhimashada hogaamiyahoodii Abu Bakar Al Baqdaadi oo maalmahaan dambe dhimashadiisa la war hayay .

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegayaan in Abu Bakar Al Baqdaadi lagu badalay nin u dhashay dalka Tunisiya kaas oo lagu magacaabo Mohamed Ben Salem Al Ayouni balse gudaha kooxda Daacish looga yaqaan Jalaludiin Al Tunisi .

Mohamed Ben Salem Al Ayouni (Jalaludiin Al Tunisi) oo u dhashay dalka Tuunisiya ayaa hadane waxa uu heeystaa dhashalada dalka Faransiiska .Hogaamiyihii ururka Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ayaa dhawaan waxaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah waxaana dilkaas sheegatay dowlada Ruushka .