Danjiraha Ingiriiska U Qaabilsan Arrimaha Soomaliya Oo Booqasho Ku Tagay Hargeysa July 22, 2017

Danjiraha Ingiriiska U Qaabilsan Arrimaha Soomaliya Oo Booqasho Ku Tagay Hargeysa
July 22, 2017 Hargaysa (SM ) -Danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya David Concar oo shalay ka hadlay xarunta dhaqanka ee Hargeisa International book fair, xaflad loogu dabaal dagayo dhaqanka Soomaalida, hidaha iyo fikradaha.
Danjire Concar ayaa sheegay in UK ay tahay deeq bixiyaha ugu weyn ee caalamiga ah ee Somaliland, waxaana taageerada soo jireenka ah ee UK siiso reer Somaliland abuuray qurbojoogta iyo xidhiidhka taariikhiga ah.
Danjire Concar sidoo kale wuxuu iftiimiyey in fursadda doorashada November ee madaxweynaha ay ka dhigantahay in ay Somaliland dib u xaqiijiso ‘sumcadeedii dhinaca dimuquraadiyada’ iyadoo ku qabanaysa wakhtigii loo qoondeeyey si cadaalad ah, loo dhanyahay, taasoo keenaysa in natiijada doorashada ay aqbalaan dadka reer Somaliland. Waxa uu sheegay in saxafiyiintu ay ka ciyaareen door muhiim ah dimuquraadiyad kasta, dhiirigaliyeenna dood siyaasadeed iyo ixtiraamka xorriyadda warbaahinta.
Danjiruhu Wuxuu walaac ka muujiyey abaaraha mandaqadda. ‘waa xaq’, ayuu yidhi in la xasuusto abaarta daran ee joogtada ah ee ku abuurtay dhibaatada dadka reer Somaliland. Si loo caawiyo dadka ay abaartu Saamaynta xoogan ku yeelatay, UK waxay kordhisay gargaarka degdega ah in ka badan $200 milyan. Taageeradan ayaa illaa hadda waxa wax ka tartay helitaanka biyo nadiifa iyo cunto illaa 1 milyan oo qof, iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah Inka badan nus malyuun qof, oo ay ku jiraan tobanaan kun oo reer Somaliland ah. ‘Wakhti dhawna waxaan soo arki doonaa waxqabadkan’.
Ugu danbayna Danjiruhu wuxu hambalyey Shacabka rer Somaliland.

IMG_7769