Halkan Ka Akhriso Xogo Soo Baxaya Oo La Xidhiidha Xil Ka Qaadistii Shalay Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyey Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolojiyada Somaliland+Muxuu Wasiirku Ka Yidhi Xil Ka Qaadistiisa? Hargeysa.July.25,2017

Halkan Ka Akhriso Xogo Soo Baxaya Oo La Xidhiidha Xil Ka Qaadistii Shalay Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyey Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolojiyada Somaliland+Muxuu Wasiirku Ka Yidhi Xil Ka Qaadistiisa?IMG_7925
Hargeysa(SM)July.25,2017-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay galab xilkii ka qaaday wasiirkii xidhiidhka goleyaasha iyo tiknolaajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil. Warsaxaafadeed madaxtooyadu soo saartay waxa lagu sheegay in xilkaas loo magacaabay Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo hadda ka tirsan xisbiga KULMIYE, ahaana wasiirkii u dambeeyay ee warfaafinta ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Qoraalka xil ka qaadista waxa lagu yidhi sidan “Mudane, Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigood tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.”
Maxaa dhacay?
Madaxtooyadu ma sheegin sababta keentay in wakhtigan xaasaasiga ah ee doorashooyinkii la sugyo xilka laga qaado wasiirka loo arko inuu yahay gacanta midig ee madaxweyne-xigeenka oo hadda dalka dibadiisa ku maqan. Wasiirka oo uu Geeska Afrika weydiiyay arrimaha uu u aanayn karo xil ka qaadistiisa ayaa ku gaabsaday inaanu garanayn sababta waxaana si kooban u yidhi “Waa caadi xilka ka qaadistaydu.”
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in madaxtooyadu Wasiir Cali ku qoonsatay arrimo la sheegay inay dhaceen intii uu madaxweyne Siilaanyo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne-xigeen Saylici oo wakhtigaas ahaa ku simaha madaxweynaha ayaa wasaaradaha iyo xarumaha dawladda ku sameeyay kormeer loo arkay mid firfircooni maamul keenay. Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa si weyn uga dhex muuqday kormeeradaas.
Si rasmi ah looma oga in madaxweynuhu kala tashaday ku xigeenkiisa Saylici caydhinta ninkan ahaa gacantiisa midig. Laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in madaxweyne-xigeenku uu xil ka qaadista Wasiir Cali Xaamud Jibriil kaga war helay baahinta saxaafadda.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in xil ka qaadista wasiirkani noqon karto bilowga khilaaf ka dhex istaadhma madaxweynaha iyo ku xigeenka oo isagu ah murashax mar labaad u taagan isla jagadan uu hayo. Sababta koowaad ayaa ah in Wasiir Cali ahaa ninka ugu dhow ee la taliyaha u ah madaxweyne-xigeenka. Sababta labaad ayaa ah inaanay isku sin banaanayn madaxweyne-xigeenka iyo wasiirka xilka loo magacaabay.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Geeska