Idaacada laanta af-ka Somaliga ee BBC- (BBC Somali Section)- Oo Xaqirtay xasuuqii 1988-kii loo gaystay Somaliland Bal Isha Mari Warbixintani ay baahiyeen..24.07.17

bbcsomali_twitter_400x40025-kii sanadood ee ina soo dhaafay waxa aanu goob joog u ahayn cabashooyin iyo dhaliilo ay dad reer Somaliland ahi ay ka sii daynayeen idaacada laanta afka Somaliga ee bbc-da oo lagu yaqaanay dhex dhexaad,taasi oo waxyaabaha ay dadku ka cabnayaan ay ugu badnayd shaqaalaha ka hawl gala idaacdaasi oo u badnaa dad ka soo jeeda Koonfurta Somaliya oo si badheedh ah iyo si dadbanba ugu soo hor jeeday shicibka Somaliland.

Hadaba waxa aan yaabay markii aan akhriyay warbixin ay laanta afka Somaligu ka diyaarisay lixdan guuradii ka soo wareegtay xiligii idaacdaasi la aasaasay oo ay ugu magac dhigeen lixdankii sano ee ay idaacada laanta afka Somaliga ee bbc-du jirtay iyo wararkii ugu waaweynaa ee y baahiso.

Waxa aan ka naxay in ay wararkii ay baahisay ka saartay xiliyadii ugu adkaa ee xasuuqa lagu hayay Somaliland, ee ilaa iyo ciidamada South Afrikaanka loo soo kaxaystay duqayntii magaalooyika Hargeysa Berbera, Burco iyo Ceerigaabo, waxna laga booday warbixintaasi in ka badan 50kun oo ku dhintay duqayntaasi iyo dagaaladii ugu xumaa ee soo mara Somaliya xiligaasi 1988-kii xaga ay idaacadu ka xustay dhowr culimo ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho, inkasta oo ay arintaasiba qalad ahayd hadana maxaa loo xusiwaayay 50kun ee qof ee dhintay 1988-kii idaacada bbcda laanteeda afka Somaliguna waxa ay ahayd idaacada qudhaata ee xiliyadaasi soo tabinaysa wararka xasuuqyadaasi iyo dagaaladii 1988-kii

Waxa sanad walba la helaa xabaal wadareedyo hor leh oo loo gaystay shicibka Somaliland 1988-kii, oo ahaa sanad ku suntan taariikhda geeska Afrika iyo caalmkaba.

Warbixinta oo aad hoos ka akhrisan doonto waxa laga saaray gooni isu taagii Somaliland ee 1991-kii iyo sidii ay ku timid hase ahaatee warbixinta xageeda ugu hoosaysa ayaa lagu xusay wax dhinac loo qaado ayna jirin oo ay ahayd in warbixinta la raaciyo sidii ay u dhacaysay.

Dhowr bilood ayuunbaa laga joogaa markii idaacada bbc-da qaybeeda afka Somaligu ay qiratay in aan idaacadoodu dhex dhexaad ka ahayn waraysi laga baahiyay idacadaasi oo uu ahaa mid lid ku ah Somaliland, taasi badelkeedna waxa idaacadu ka bixsay raali galin buuxda.

Waxa la haboon qof kasta oo Somalilander ah in arintaasi xxaqiraada ah laga daba toge ee ay ku kacday idaacada bbc-da laanteeda afka Somaligu, waxana haboon in la iska daayo dhegaysigeeda waana in laga mamnuucaa in ay ka hawl gasho gudaha Somaliland ilaa iyo inta idacdaasi lagu soo celinaayo dhabadii saxda ahayd.

Halkani ka akhriso warxintaasi ku salaysan caadifada.

Wararkii ugu waaweynaa ee ay BBC-du tebisay lixdankii sano ee la soo dhaafay – BBC Somali
HALKANI RIIX HALKAN HOOSE AMA GUJI SI AAD U AKHRIS