Marnaba Ma Mahadin Doono Maamulka Soomaaliya Iyo Xulafadiisu Shirqoolada Uu Ka Waddo Gudaha Somaliland

Arbaca.19.07.17..Marnaba Ma Mahadin Doono Maamulka Soomaaliya Iyo Xulafadiisu Shirqoolada Uu Ka Waddo Gudaha SomalilandDaawo Muqaal..Wasiirka A/Gudaha Somaliland Cali Warancade Oo Ka Hadley Shirka Turkiga Somaliland Iyo Somaliya Uga Socda.
_________________________________________________________________________
Waxaa Muuqata Inay Soomaaliya U Diyaar Garoobayso Hadda Sidii Ay Hab Military Iyo Xoog Ugu Soo Dabaali Lahayd Somaliland Waxa Ay Ugu Yeedhaan Midnimada Soomaaliya.
Somaliland Iyo Soomaaliya Waxay Dunidu Ku Ogayd Inay Wada Haddal Iyo Nabad Galyo Ku Dhamaystaan Arrimaha Siyaasadeed Ee Ka Dhaxeeya, Hase Yeeshee Waxaa Muuqata In Maamulka Soomaaliya Arrintaasi Aanay U Cuntamin Oo Ay Ka Doorbideen In Is Muquunin Iyo Xoog Ku Badalaan Wada Hadalkii Oo Imika In Mudddo Ah Ay Ka Caga Jiidayeen.
Muddoooyinkan Danbe Hadalada Maamulka Soomaliya Waxaa Kamida Ahaa (In Wax Kasta Oo Ay Kaliftaba Ay U Marayaan Sidii Gobolada Waqooyiga Loogu Soo Celin Lahaa Midnimadii Somaliya) Taasi Oo Macnaheedu Yahay In Maamulka Somaliya Uu Xoog Isticmaali Doono.
Waxaanay Hadda Bilaabeen Faro Galin Toos Ah Oo Aan Geedna Loogu Soo Gaban , Waxaanse U Sheegayaa Maamulka Soomaaliya Iyo Xulafadooda U Diyaar Garoobay In Ay Geeska Afrika Iyo Guud Ahaan Mandaqadan Ay Ka Huriyaan Colaad Cusub In Aaya Xumida Ka Timaada Ay Tunka U Ridan Doonaan.
Ummada Reer Somalilandna Waxaan Ugu Baaqayaa Midnimo Iyo Isku Duubnaan Iyo Inay Ka Feejignaadaan Cadowtinimada Ay Maamulka Soomaaliya U Maleegayaan Qaranka Somaliland.

Cali Maxamed Waran-cadde
La Taliyaha Gaarka Ah Ee Madaxweynaha JSL
From: Abu Dubai UAE