MUJ CALI GURAY OO WAX LAGA XUMAADO KU TILMAAMAY DHACDADA GURI XISBIGA WADANI KA KIRAYSTAY GABILEY OO XOOG CIIDAN LAGA HOR ISTAAGAY.17.07.17

“Musharaxa Kulmiye Isaga Ayay Wax Yeelo Iyo Sumcad Xumo u Tahay Sacad Muusena Waa Lagu Yaqaan!! Muj Cali Guray,

 “Horaa Loo Yidhi Hadii Aad Gardaroonayso Ood Doonayso In Aan Lagu Qaban Maad Sacad Muuse ka Dhalatid”,

GOBANIMO WAA U DHALASHO,tmp_14519-cali-guray1297509137

Daadmadheedh Wixii Gobanimadooda wax u Dhimaya iyo Dhegtooda Ma Ogolaadaan inay cid Magacooda sheeganaysaa ku kacdo. Xataa cidda ay is hayaan ama ka soo horjeedaan gurigooda in lagu xumeeyo way ka dagaalamaan. Laakiin degaanka Sacad Muuse waxaa dan kama lahaa. Bal u fiirso inta lagu xumeeyay degaankooda xisbiga WADDANI iyo masuuliyiintiisa. Gobanimo waa u dhalasho. Maanta Sheekhul Beledkii Gebilay waa maqlayseen heshiiskii uu mulkiilaha guriga kaga kireeyay ee ay la galeen waa kii soo bandhigay mana aha markii ugu horeysay Musharaxa Kulmiye isaga ayay wax yeelo iyo sumcad xumo u tahay Sacad Muusena waa lagu yaqaan horaa loo yidhi HADII AAD GARDARAANAYSO OOD DOONAYSO IN AAN LAGU QABAN MAAD SACAD MUUSE KA DHALATID, Maygaag Ilka Dheere ayaa nin Reerkiisa ahaa ku yidhi.

Allah mahadleh

Cali Guray