Taariikhdii Allah ha u naxariistee Muj Cabdiqaadir Koosaar Goblan Geeriyeey Abid ( qaybtii 1aad)!

Kosaar22.07. 2017 |
Maanta waa maalin murgo weyn ku leh Ummadda Reer Somaliland, madaw oo ruuxii noolaa ama joogay marka uu xasuusto, dayax madoobaadkii ayaantaa saameeyey Ummaddii xaygga ahayd, waxa ay taariikhdu cishaddaa ahayd 12/07/1987kii oo laga joogo mudo 30 sano ah, waa maalintii Halyeyggii SNM-ta salka u dhigay jiritaan-keedda lagu dilay Magaaladda Mustaxiil Illaah naxariistiisa ha ka waraabiyo’e janadiisa’e, oo denbigiisa ha dhaafo’e, Waa Mujaahid Weynaa Cabdilqaadir Koosaar Cabdi Geelle’e. Hadaba annoo saaka la soo kacay xussus aan dib u gallay maanta waayo’aragnimadeeddii iyo cidhibta ay inagu leedahay, baa anoo gacallo ooyaaya, una baroor-diiqaaya Halyeygaas dhuuntay ( muu dhimane), oo kollay abaalkiisii ma marin karno’e, bal in uu ku sii hadho kaydka maskaxdda ee duubta taariikhdda, inta aan ka taataaban karo taariikhdiisa oo tix ah, baan ku furayaa sooyaalkiisiiye, iyadda oo afar qaybood ah, qaybtii ugu horaysay, iga gudooma waa tane:-
Umad yahay guhaadaa naf-tiyo, gocasho ooygayga,
Hurdadaan galgalanaayo iyo, baalka galacleeyey,
Hadba geesa eegtiyo ilmadda, gabax indhaa siiyey,
Jidhkaygaa gariiraaya iyo, galab carawgaygan,
Geediga mar qudha aan degayn, aan garabaha saaray,
Gujo aan xasuus uun ku qabo, goor iyo allaylba,
Umalkaan la gubanaayo iyo, gebi dhaclayntaydda,
Goobtaan is taagaba waxaa , goonidda i geeyey,
Galaayuuska waxa iigu wacan, aadmi garan waaye,
Sidda geri ciladda daaqa baan, banan gab-leeyaaye,

Afartaa gadoodkii naftiyo, aar goolaaftamay dheh,
Garabkaygi oon aasay iyo, gumucyo seefeed dheh.

Sidda guduriddii baan indhaha, aan is geliyaaye,
Garbadaan istaagaba tashigu, wuu i gurayaaye,
Waa gabanadayddii kuwaa, gawraceen cadawe,
Hadba geesi ii kacay ayaa, nacab ku gaadaaye,
Gacantaa i naafawday bay, iga garaaceene,
Gudin bay u daabteen waqay, garasho waayaane,
Koosaar godkii lagu ridaan, sii gocdaa weliye,
Halyey lagu goblamay buu ahaa, goobta dirireede,
Gaashaan an jabin buu ahaa, biixi gacaleede,
Geed damal ah iyo buu ahaa, goodi nabaddeede,

Afartaa gadoodkii naftiyo, aar goolaaftamay dheh,
Garabkaygi oon aasay iyo, gumucyo seefeed dheh,

Garyaqaan xaq diriruu ahaa, geed u joogaba’e,
Goobta laysku helo wuxu ahaa, kii ka soo go’a’e,
Goorta uu wayraxaa buu naflahu, gogosha-diidaaye,
Hormoodkii geyiga buu ahaa, golahi dayrnaaye,
Taladuu gudoomiyaha u ahaa, guul ka soo dhaliye,
Gadh-wadeenki faqashtiyo, intii gaani la hal maashay,
Inta gaadh-ba-gaadh loo dhigee, gaydha u diriraysay,
Moorgan iyo galaaliyo wixii, goosan daba joogay,
Gantaalii la soo tuuray iyo, kaaraha gurguurta,
Geesaas diyaaradaha ahoo, marayey guudkiisa,

Afartaa gadookii naftiyo, aar goolaaftamay dheh,
Garabkaygi oon aasay iyo, gumucyo seefeed dheh,

Gaashaan-buur is biirsatay, markuu gaadmo ku idleeyey,
Gurxankooddu waa kii ka baxay, geliyaday-diiye,
Waa tuu goob xun dhigay, gawsa-weyne iyo raggii,
Yaacay garabkiise, intii godob is buuxisay nabsigu,
Soo godlaay yidhiye, guntigiyo markay labadda law,
Gaabsadeen orodka, ee gacan ku dhiiglii kibiryo,
Samatar goob-yaalay, gasiinkii u tuulaa markii,
Guluf ku eedaamay, ee guufki laga saydhayee,
Go’aydu ay yeedhay, bay guurihii naga qaxeen,
Guul dariyo ciile, baqdintii habeen bay gudeen,
Oo goosankooddii ku lumay, gego habaas weyne,
Lama gaasiree wuxu ahaa, guusha libineede,

Afartaa gadoodkii naftiyo, aar goolaaftamay dheh,
Garabkaygi oon aasay iyo, gumucyo seefeed dheh.

Koosaar halkaad garanaysuu, gool ka dhaliyaaye,
Adigaa gargaar lehe rabbaw, seexi gogoshaadda,
Godka oo u nuurtiyo qabriga, gaara u iftiimi,
Oo gacanta naxariis u fidi, yaanu gubatoone,
Gurigiisa aakhiro ka yeel, guule janadaadda,
Ma guuraan xasuusaa intaa, maanka aan gefine,
Abaalkii uu noo galay allaw, gunadda yuu seegin.

Tixdan oo aan ugu tallo galay furitaankii sooyaalkii Mujaahid Abdilqaadir Koosaar ( IHN), oo ah qaybtii ugu horeysay, waxa daba socdda 3 qaybood oo kale, oo si wacan u taabanaaya taariikh nololeedkiisa, oo laga soo bilaabo halkii uu ku dhashay ilaa yaantii madoobayd ee uu shahiiday, oo maanta oo taariikhdu sheegayso 12/07/1987, lagana joogo 30 sano.

La soco qaybta labaa 2 iyo berito.

Qore;- Dr A. J. Ahmed