TACSI:- Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Xildhibbaan Xamse Gaadaweyne .18.07.17

TACSI:- Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Xildhibbaan Xamse Gaadaweyne ciro-s

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada Golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Xamse Maxamed Gaadawayne oo ka tirsanaa xildhibbaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo shalay 17/07/2017kii ku geeriyooday magaalada Hargeysa sida oo kale na isla maanta lagu aasay xabaalaha Naasa-hablood ee Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku sifeeyey in uu shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan  kana mid ahaa xildhibbaanada ugu waayo-aragsan ee ka tirsanaa Golaha Wakiilada Somaliland isaga oo sida oo kale na ku  tilmaamay in uu ahaa shakhsi si weyn uga soo qeyb-qaatay dhismaha qaranka Somaliland gaar ahaan xiliyaddi nabadeynta beelaha Somaliland.

Guddoomiye Cirro, waxa uu ugu dambeyntii uu Alle uga baryayaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Amiin….