Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire Oo Caddeeyay In Fursadihii Somaliland Lagu Aqoonsan Lahaa Ay Soo Dhawaadeen July 22, 2017

Wasiirka Khaarajiga Oo Caddeeyay In Fursadihii Somaliland Lagu Aqoonsan Lahaa Ay Soo Dhawaadeen
July 22, 2017DAAWO Waraysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Oo ku sugan dalka Ingiriiska.
Hargeysa:–(SM)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inuu rajo-weyn ka qabo in beesha caalamku dhawaan ay aqoonsato gooni isu-taagga Somaliland.
Waxa kaloo uu xusay in Somaliland ay tahay waddan Geeska Afrika uu ku badhaadhey oo aan khatar ku ahayn amaanka iyo horumarka mandaqada Geeska Afrika.Waxaannu beesha caalamka ugu baaqay inay tixgaliyaan rabitaanka shacabka Somaliland
Wasiir Sacacd wuxuu sidaas ka sheegay munaasibad ay soo qabanqaabisay wasaaradda khaarajigu oo lagu xusayay qabtay 100 sanno guuradii ka soo wareegtay intii ay ku jirtay maabka dunida oo habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
“Waxa lagu noolaa Somaliland toddoba kun oo sannadood ka hor taariikhdeedu intaas ayay soo taxneyd, laakiin maanta taariikhda cusubi waxay bilaabantay 20/7/1887-kii waxaana caawa (habeen hore) laga jooga boqol iyo soddon sannadood maalintii aynu si rasmiya uga mid noqonay maxmiyadihii Ingiriiska laga bilaabo maalintaasi Somaliland waxaa ay maabka dunida ku lahayd bugcad u gaar ah oo waxay ahaan jirtay dal gaar ah. waxaana maalintaas ka soo wareegay boqol iyo soddon sannadood, laakiin innagu boqol iyo soddon sannadood xusi meyno ee waxaynu xusaynaa boqol sannadood, waayo 30-sannadood ayaynaan maab inoo gaara ku lahayn caalamka oo waxaynu ka mid ahayn Soomaaliya boqolka kale Somaliland gooni ayay u taagneyd oo maabka caalamka ugu jirnay,”ayuu ku dooday Wasiirka Arrimaha Dibaddu.
Wasiirku waxa uu sheegay in niyadsamidii shacbiga reer Somaliland ay kula midoobeen Soomaaliya ay ka dambarsadeen burbur iyo xasuuq, waxaannu yidhi; “Nasiib-darro soddonkii sannadood ee aynu Soomaaliya ka mid ahayn himiladeennii iyo hamigeennii ma uu xaqiiqoobin, halkii aynu ka filaynay horumar barwaaqo , caddaalad iyo sinaan, ayaa waxaa innagu dhacay caddaadis, takoor, burbur, dil iyo dhac, dhab ahaana dadka reer Somaliland ay u adkaysan waayeen, kana dhiidhiyeen horaantii 80-maadkii halgankaasi oo ku dhammaaday burbur lagu sameeyay Somaliland, waxaynu ka xorownay Soomaaliya sannadkii 1991-kii markii Burco la iskugu tagay dadkeenu markii ay dib u milicsadeen wixii ina soo qabsadey waxay aqoonsadeen inaanay taasi ina anfaceyn aynu la soo noqono xornimadeennii aynu dhiibnay innaga oo xor ah 1960-kii maalintaasi oo ay inoo bilaabtay taariikhda labaad ee aynu maabka aynu ku leenahay.”
“Somaliland ka hor intaynaan xornimada qaadan iyo kadib markii aynu la soo noqoneyba cid ay ku haysay dhibaato may jirin, dhab ahaanna geeska Afrika wuu ku badhaadhay Somaliland marka laga eego dhinacyada nabadda iyo xasiloonida, waa lagu badhaadhay run ahaantii gobolku, Somaliland cid waliba waa in ay soo dhaweyso wax ay Somaliland uga baqataa ma jirto, kaalin-weyn ayaynu ka galey ilaalinta xasiloonida ku dhaqanka sharciga caalamka geeska Afrika,”ayuu yidhi Dr. Sacad.
Waxa kaloo uu faahfaahiyay guulihi ay gaadhay Somaliland 26kii sannadood ee ay la soo noqotay madax-bannaanideeda, waxaannu yidhi; “Somaliland waxay buuxisay wax kasta oo shuruuda oo looga baahan yahay waddan madax-bannnaan oo beesha caalamka ka mida, haddii ay tahay xaga maamulkana Somaliland waxay leedahay dawlad ay dadku doorteen iyo baarlamaanka la soo doortay, waana waddan isagu xuduudihiisa badda, barriga, iyo cirkaba awood u leh inuu ilaashado, awoodna u leh inuu heshiisyo la galo waddamo, hay’ado iyo shirkadahaba.
Somaliland inay tahay dal jira muran kama taagna maanta 26-sannadoodna inagamey lumin waxaa la inoola macaamilaa waddan jira inaynu nahay, haddii aad Google-gareyso Somaliland maabkeeda iyo calankeeda ayaa meel walba kaaga soo baxaysa, laguna odhan maayo waa laga waayay amase kuma jirto, wey jirtaa waanay jiri doontaa Insha Allaah, cidda aan xog ogaal u ahayn Somaliland-na waxaan u sheegayaa in ay Somaliland leedahay ciidankeeda iyo baasaaboorkeeda, lacagteeda, astaamaheeda dawladnimo.”
“Mararka qaar waxa la yidhaahdaa inyar oo siyaasiyiinna uun baa doonaysa Soomaali inay kala goyso oo Somaliland-na ku khasbaysa inay inta kale ka go’do, Somaliland maalintii ay xoriyadeeda dib ula soo noqotay waa loo dhammaa maalintii aftida laga qaaday ee 2001-kii inyar oo meel fadhiisatay umay go’aamin ee dadka ayaa go’aansaday, hal milyan iyo 21 kun oo qof ayaa saxeexay oo Somalilander ah in Somaliland beesha caalamku aqoonsadaan, markaa Somaliland riyo maaha, waa waddan ay dadkiisu u soo halgameen dadkiisuna doorteen kuna fadhiya rabitaanka dadkiisa, caalamkana waxaannu marti uga nahay inay tixgaliyaan rabitaanka dadka reer Somaliland, dhawr iyo labaatan waddan ayaynu ku leenahay wakiillo.
Sida aynu wax u wadno haddaynu u wadnana muddo aan fogeyn ayaynu helayna Ictiraafka aynu raadineyno sidaasi ayaan ku rajo weynahay,”ayuu khudbadiisa ku soo khatimay Wasiirka Arrimaha Dibaddu.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho:—Wargeyska Dawan