Daawo Muqaal:Xisbiga Kulmiye oo xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweyaayey wafti uu hogaaminaayey G/Xigeenka Kulmiye ku qabsaday xalay London+Sawiro 30.07.17

Xisbiga Kulmiye oo xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweyaayey wafti uu hogaaminaayey G/Xigeenka  Kulmiye ku qabsaday xalay London+Sawiro

IMG_8491


Waxa Habeenki Xalay Ka Dhacday Waqooyiga Magaalada London Xaflad Balaadhan oo Tageerayaasha Xisbiga KULMIYE Iskugu soo Baxeen Iyado Lagu soo Dhoweynayo Wefti Balaadhan uu Hogaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin, Xoogahaya Golaha Dhexe Xisbiga KULMIYE Md Jaamac Shabeel Iyo Gudoomiye Kxigeenki Hore ee Xisbiga Waddani Md Axmed Muumin Seed Haddana Ah Masuuliyiinta Sar Sare ee Xisbiga KULMIYE.

IMG_8495Xafladan aya Waxa ka soo qaybgalay Dadweyne aad uu faro Badan oo Iskugu Jira Masuuliyiinta Laamaha Xisbiga KULMIYE ee UK Iyo Tageerayaal Badan oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE ee UK.

IMG_8496Waxa Iyana Xafladaas Habeenki Xalay Lagu soo Dhoweeyay Garab Balaadhan oo Ka soo Goostay Xisbiga NEW UCID Gaar ahaan Tageerayaashi Iyo Masuuliyiiinti Xisbiga UCID Iyo Jamaal Cali Xuseeen oo Si Rasmi ah uu Shaaciyay Inay Tageeradoodi Ku Biiriyeen Xisbul Xaakimka KULMIYE Iyo Musharaxa Madaxweyne ee Md Muse Biixi Cabdi.

IMG_8497Xafladan aya ahayd Mid Lagu Dardar Gelinayo Doorashada Inagu soo Fool Leh 13 November 2017 waxaanay Laamaha Xisbiga KULMIYE ee UK shaaca Ka Qaaden Inay Diyaar Yahiin sida Hawsha Doorashada Uga Qaybgeli Lahaayen Wadanki Hooyo, waxaanay Dhamaan Laamaha Xisbiga KULMIYE UK Ballanqadeen Inay waxi kale Looga Baahda inay Hiil Iyo Hoob la Barbar Taaganyahiin Xisbiga KULMIYE Iyo Musharax Muse Biixi Cabdi.

Waxa Isna Halkaas Kelmad Ka Hadlay Gudoomiye Kuxigeenki Hore ee Xisbiga Waddani Md Axmed Muumin Seed Haddana ah Masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga KULMIYE, Waxaano ka Warbaxiyay Xaalada Wadanki Hooyo Halkay Diyaar Garowga Doorashado Marayso, isago Halkaas Ka Cadeeyay Ino Aaminsanyahay, in Dadweynaha Reer Somaliland Mar Kale Ku Dooran Doonan Xisbiga KULMIYE Waxqabadka Cad ee Muuqda ee Muujiyay Xisbiga KULMIYE.

Xooghaya Golaha Dhexe Xisbiga KULMIYE Md Jaamac Shabeel aya Isna Waxu Halkaas Kula Dardaarman Inay Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Xil Weyn Iska Saaran Sidi Xisbiga KULMIYE Mar Kale uu Guulaysan laha, Haddi ay Tahay Dhaqaale Iyo Maskax Inay La Yimaadan Wadanki Hooyo Hawsha Doorashada Kala Hawl Galaan.

Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin aya waxu Halkaas Ku Soo Bandhigay Qayb Ka Mid ah Buuga Xisbiga KULMIYE Iyo Waxqabadka uu Qorsheysan, waxaano sheegay in Buugaaas oo DhamaysTirsan soo Bandhigi doonan Dhowaan, waxaana Laga akhrisan kara Waxqabadka Balaadhan ee Xisbiga KULMIYE Qabtay 7 Sano ee Dalka uu Hayay, Haddi ay tahay Waxbarashada, Caafimaadka Iyo Biyo Balaadhinta, Dhaqaalaha Dalka oo Kor uu Kordhay 600% Miisaaniyada Dalka oo Lagu Wado in La Gaadhsiiyo 5 Sano ee Soo Socota 1 Billiyan Us Dollars.

Xafladan oo Si Heer sare Loo soo Agaasimay aya Ku soo Dhamaatay Jawi aad uu Qurux Badan, waxaana Weftigani Xaflado Kala Duwan Ku Qaban Doono Magaalooyinka UK ee Birmingham, Manchester iyo Magaaloyin Kale…IMG_8492 IMG_8494 IMG_8495 IMG_8496 IMG_8497 IMG_8498 IMG_8499