Abu Usama As-Soomaal Oo Ka Barbar Dagaalamayey Kooxda Daacish Oo La Xaqiijiyey In Duqeyn Lagu Dilay..11.09.17

warbixintaWasaarada Gaashaandhigga dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisay in wiil uu adeer u ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya kana mid ahaa Ururka ISIS lagu diley labo sano kahor dalka Ciraaq.

Sarkaal u hadlay ciidamada Taliska Maraykanka ayaa u xaqiijiyay saxaafada in Farah Mohamed Shirdon oo sanadkii 2014 tegey dalka Siiriya noqdayna afhayeen ururka ISIS lagu diley bishii July 2015 magaalada Mosul dalka Ciraq.

Faarax Maxamed Shirdon oo ahaa 24-jir reer Calgary ah ayaa soo saaray muuqaal uu ku gubayo baasaboorkiisa wadanka Canada saddex sano ka hor, waxana uu ku hanjabay in weerarayo wadamada reer galbeedka ah waxana uu la baxay magaca ah Abu Usamah as-Somali.

Salaanmedia/Moqdisho

Source markanews