Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii shalay ka dhacay Xamar-weyne & khasaaraha ka dhashay (Daawo Sawiro)

Screen Shot 2017-09-29 at 07.45.46Jimce.29.09.17Mogd(SM)Ugu yaraan Toban qof ayaa ku geeriyootay lix kalena way ku dhaawacmeen Qaraxii galabta ka dhacay degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, ka soo horjeedka maqaayada Isa-saar oo ku dhow Suuqii hore ee Bacadlaha.

Afhayeenka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in qaraxan loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo marayey maqaayada dhinaceeda, kaasoo aan la ogeyn halka loo waday, wuxuuna xusay in qaraxa ka dib ay goobta gaareen ciidamada amaanka si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Xalane ayaa intaas ku daray in dadka qaraxaasi waxyeeladu ka soo gaartay ay dhamaantood ahaayeen shacab aan waxba galabsan oo qaarkood qaraxu uu ku qabsaday iyagoo saaran gaadiidka dadweynaha.
Bus yar oo goobta ka dhawaa ayaa la sheegay in shacabkii la socday ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay, waxayna isugu jireen rag iyo dumar.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah Suuq aad u mashquul badan oo ay ku yaallaan boosteejop gaadiidka laga raaco maqaayado, goob qaadka lagu iibiyo, kaalin shidaal, waana meel dadka iyo gaadiidkuba ku badan yihiin.

Weli ma cadda cida qaraxan loola dan lahaa Al-shabaabna weli qaraxan sooma hadal qaadin, hase ahaatee qaraxyada aan bartilmameedka laheyn ee wadooyinka iyo goobaha ganacsiga ka dhaca ayaa mudooyinkan ku soo badanayey Muqdisho.