Daawo:Lataliyihii hore ee Madaxweynaha JSL Cabdilaahi Jawaan oo goor dhawayd iska casiley xisbiga Kulmiye !!!..28.09.17

Lataliyihii hore ee Madaxweynaha JSL Cabdilaahi Jawaan oo goor dhawayd iska casiley xisbiga Kulmiye !!!
__________________________________________
“Aniga oo ah Cabdillahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan Waxaan Halkan Ku Soo Ban Dhigayaa in aan Ka Baxay Xubinnimadii Xisbi-Xaakimka
Kulmiye Caawa oo Taariikhdu Tahay : 28 September 2017 ama 7 Muharram 1439H Kuna Beegan 7da Bisha 1aad ee Dayrta Sanad Soomaaliga. Waxaan Ummadda Somaliland U Sheegayaa in aan Hore Uga Baxay Xubinnimadii Gudiga Fulinta ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Markay Taariikhdu ahayd 12 April 2017 Ama 15 Rajab 1438H Kuna Beegan 23 Bishii Guga Ugu Horaysay Sanadka Soomaalida. Haddaba Markii aan ka Tanaasullay Xilalkii:

La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Xìsbiyada Siyaasaddeed iyo Xubinnimadii Gudiga Fulinta Waxaan La Hadhay Xubinnimadii Xisbi Xaakimka Kulmiye Aniga oo Xeerinaayey: Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Murashaxa Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Iga Codsaday in aanan Ka Tagin Isaga, iyo Aniga oo is-idhi Bal isku Day in aad Wax ka Sixi Karto Qaladdaadka Waaweyn ee Laaxinka Ku Dhex Jira Xisbiga Sida ( Xisbinimadii, Dawladnimadii iyo Qabyaaladdii oo La isku Qooshay Waana Cudur Ku Caabuqaaya Democracy-ga aynu Sheeganayno Waxaa Caadi Laga Dhigtay: REER Hebel REER Hebel, Waxaa Caadi Laga Dhigtay in: Maamuleyaashii, Maareeyeyaashii, Agaasimeyaahii iyo Taliyeyaashii Ciidamadu in ay Si Toos ah Ugu Dhex Milmaan Hawlaha Xisbiga iyo Shaqooyinkii Cuqaasha iyo Odayaasha Reeruhu Lahaayeen waana arrimo Ka Soo Horjeeda oo Lid ku Dastuurka Qaranka Jamhuuradda Somaliland U Yaalla. Arrimahan in Badan Ayaan Talo ka dhiibtey Mid aan Saxaafadda Mariyo iyo Mid aan Xisbiga iyo Xukuumadda aan Siiyoba Ĺaakiin Waxay Noqotay : Hal Bacaad Lagu Lisay iyo Ninkii Dhego Qababa La Hadal Sidaasi Darteed Waxaan Go’aansaday in aan Xubinnimadii Kulmiye Halkaa Kaga Faraxasho. Somaliland Guul iyo Gobonimo” Cabdilaahi Cabdi Xaaji CumarDaawo: Lataliyaha Madaxwaynaha Ee Arimaha Doorashooyinka Mudane C/llaahi Jawaan Ayaa Xukumuda Ku Amaanay Waxabadka Iyo Horumarka Dalka Ay Gaadhsisay Waxanu Talooyin U Soo Jeediyay Sadexda Xisbi Qaran