“MABA HABBOONA IN XILLIYADA DOORASHADA MAGACA SNM LAGU MAXAAFSADO OO LOO SOO QAATO ISIR LAGU OLOLEEYO”.QORAA MAXAMED BAASHE September 5, 2017 –

“MABA HABBOONA IN XILLIYADA DOORASHADA MAGACA SNM LAGU MAXAAFSADO OO LOO SOO QAATO ISIR LAGU OLOLEEYO”.QORAA MAXAMED BAASHE

September 5, 2017 – 

Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo kamid ahaa halgamayaashii ururkii UFO ismarkaana kamid ah qorayaasha dalka Somaliland ayaa ka hadlay xubnaha xiliyada doorashada ololaha u isticmaala magaca SNM kuwaasi oo ku tilmaamay wax aga xumaado

Isagoo arimahaa ka hadlaya ayaa wuxuu qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebooga wuxuna u dhignaa sidan;

SNM ayaan xafiis u fadhiyi jirey ama ka mid ahaan jirey oo olole doorasho maanta foodsaaro looga dhigtaa wax nuxur iyo macno ahi kuma jiraan.

Runtu ma fantaa?!

Maba habboona in xilliyada doorashada magaca SNM lagu maxaafsado oo loo soo qaato isir lagu ololeeyo.

SNM maanta ma leh oo ma aha in laga dayo nuxur siyaasadeed, waa se isir taariikheed. Halgankeedii sharfanaa waxa ka dhashay natiijo ahaan Somaliland.

Somaliland waxa ku bahoobey intii SNM ka mid ahayd ama taageersanayd iyo intii aan ka midka ahayn ama ka horjeeddey.

SNM wax lagu kala dooranayaa ama loo kala dooranayaa ma jirto ee qori-tuurashadu waa Somaliland.

Haddii aan aad aragto xilliga doorashada siyaasi ku hadaaqaya magaca SNM waa awr-ku-kacsi hoosta ka madhan. Waayo waxa uu waayey wax uu u sheego dadka uu la hadlayo iyo si uu ugu taliyo inta maanta nool, waana kala qaybin ee ogow.

Teeda kale marka uu sidaas (SNM) magaceeda ugu ololaynayo miyaanu ogayn in uu iska durkinayo in badan oo kale oo aan magacan wax xidhiidh ah la lahayn, mise codkooda ayuu ka maarmay?!

Hubanti kama uu kaaftoobin ee is ma oga, waana malahayga ka hebednimo iyo madhnaan garasho siyaasadeed iyo fahamkeeda, waayo haddii aanay sidaas ahayn kuma uu ololeeyeen wax codbixiyeyaasha qayb ka fogaynaya oo bulshada kala qaybinaya.

Teeda kale, qolyaha xilliyada doorashada magaca SNM jeebka kala soo baxa waxa aan u aqaan khaayimiin iyo beenaaleyaal. Waayo haddii SNM-nimadu run ka tahay waxa ay daryeeli lahaayeen naafadeedii iyo inta waalatay ee suuqyada heedadawda ee aynu og nahay ee silica iyo saxariirka u dhinta ama ku nool.

Haddii ay run sheegayaan oo daacad yihiin waxa ay maalgelin lahaayeen, illayn waa hantiileyaale, in la ururiyo taariikhdeedii, la qoro oo la kaydiyo ee kama ay dhigteen halqabsi olole siyaasadeed uun lagu galo.

Annaga ayaa SNM ka mid ahayd oo waxa aannu idin leennahay, “idinka diidney dareenkiinna buka ee caabuqu diloodey. Ha noo sheegina idinka dhegaysan mayno’e. Wax kale noo sheega oo aannu idin ku raacno oo inta maanta wada nool wax u noqon kara oo waxtari kara. ”

“Wallee hagardaamo

Falkaagu habeensey

Higlooy gabbalkaa dhac!”

QALINKIII QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN