MADAXWEYNE KUXIGEENKA SAYLICI OO TALADA DALKA EE AMAANADA KUSII AH UJIDEYSTEY OLOLE AANEY KOMISHANKU U FASIXIN IYO SHACBIG REER AWDAL OO ISWEYDIINAYA INTA AY HESHIIS SII AHAAN DOONAAN ISAGA IYO MUUSE BIIXI!!FAALOSeptember 3, 2017 –

MADAXWEYNE KUXIGEENKA SAYLICI OO TALADA DALKA EE AMAANADA KUSII AH UJIDEYSTEY OLOLE AANEY KOMISHANKU U FASIXIN IYO SHACBIG REER AWDAL OO ISWEYDIINAYA INTA AY HESHIIS SII AHAAN DOONAAN ISAGA IYO MUUSE BIIXI!!FAALOSeptember 3, 2017 –

IMG_2112
Madaxweyne Kuxigeenka Saylici Oo Jideeyay Olole Aaney Komishanku Fasixin Iyo Qorshayaasha Lagaga Gaadhsiinayo Maqnaanshaha Madaxweynaha!!.

Boorame (SM)-Madaxweyne Kuxigeenka Somalliland Cabdiraxmaan Saylici oo hor socda Wafti uu qeyb ka yahey Murashaxa jagaa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ee uu mar labaad u yahey Murashaxa jagada kuxigeenka ayaa olole xaaraan ah oo aaney jideynin Komishanka Doorashooyinka heer qaran ee Somaliland ku ekeeyay Magaalada Boorame ee Xarunta u ah Gobolka Awdal xili Madaxweynuhu talada dalka kaga sii tagey kuxigeenkiisa Saylici.

SAYLICI IYO MUUSE

Ololahan oo la Sheegay in uu yahey mid abaabulan oo Todobaadkii ugu Dambeeyay si xoog ah looga shaqeynayay islamarkaana,looga sii faa.ideysanayo in Awooda Xukuumadda iyo hantida Qaranla loo adeegsado mudada uu Xilna guud ee Talada Qaranka kusii sime kasii yahey Madaxweyne Kuxigeenku ayaa la sheegay in uu yahey qorshe salbalaadh ah oo kharash fara badan loo adeesanayo kaas oo aan ku koobneyn Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal haseyeeshee,la isaga dab qaadayo ilaa Gobolka Gabiley oo ay Maaxweyne Kuxigeenka Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi iyo Waftigoodu ku joogi doonaan maalmaha soo socda ee Todobaadkan si ay olole Shir doceedyo iyo Dhoolatus huwan ugaga hawl galaan Boorame iyo Gabiley oo ay ku negaanayaan maalmo ,Waxaana arintan oo u muuqata mid dhabar jab ku ah Guud ahaanba nidaamka hanaanka doorashooyinka Xisbiyada Qaranka,

AYAANLE, SAYLICI IYO MUUSE

Sidoo kalena ay u dheer tahey khiyaano aan loo aabo yeelin oo Awooda loo adeegsanayo ay marka horeba ku timid kalsooni daro mudooyinkii u Dambeeyay Saylici iyo Muuse Biixi ka qabeen labada Gobol ee oodwadaagta ah Gabiley iyo Awdal iyadoo dadka intiisa badani kawada dharagsan yihiin in ay safarkoodii maanta ee Boorame si sharci daro ah foodsaar uga dhigteen Shacbigana ku majara habaabiyeen Gudoomiye Kuxigeenka Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ee dhawaan loo doortey Xilkaasi. Maadaama Beesha yu kasoo jeedo ee Aqlaboyada u ah Deegaanka Gobolka Awdal taageeradoodu u badan tahey Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani sidaa daraadeedna ay doonayaan in ay kaga doonaan taageero codadkii Mudanayaasha Mucaaridka iyo Muxaafidkuba sida isku lamaan ugu codeeyeen Mr Ayaanle inkastoo, beelaha Aqlabiyada u ah Deegaanka Gobolka Awdal qaraar adag ka joogaan taageero ay u muujiyaan Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiintiisa Saylici iyo Muuse Biixi hadana waxa ay iyagu xiligan u isticmaalayaan awooda talada dalka ee amaanada kusii ah Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaa Saylici oo ay Wakhti xaadirkan Muuse Biixi Murashaxa Kulmiye isku keentay Duruufta kooban ee maqnaanshaha Madaxweynaha Qaranku laakiin Khilaafyo hor leh oo ku beegan Xiisada Gobolka Awdal iyo halka ay taageeradooda ka joogaan shacbiga ugu badani ka dhrx taagneyd mudo dheer oo ku siman tan iyo intii ka Dambeysay wakhtigii ay Maxlalka Muradhaxiinta jagaa Madaxweyne iyo Kuxigeen isku soo raaceen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

SAYLICI

Sikasta oo ay arimahani yihiin labadii.maalmood ee u dambeeyay waxa loo isticmaaley soo daad gureynta dadka Tuulooyinka Waqooyiga ee kasoo jeeda Beesha Saylici kharash aad i badan si ay usoo camiraan soo dhaweynta Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee loo doortey Golaha Wakiilada Xildhibaan Ayaanle Todobaadkii hore xilkaas oo Reer Awdal Saami ahaan u arkayeen isweydiinta ugu weyni waxey tahey sidan maku sii wada socon doonaan Saylici iyo Muuse Biixi oo hore isugu awood waayey balse midba midka kale khiyaano ulo booc ah la isugu tukubayo isu sheedaalinayeen marka la isku ururiyo xaqiiqda Gobolka Awdal taalaana ay tahey jamaahiir kasta oo loo sameeyo Tusaale ahaan tan soo dhaweynta Ayaanle foodsaarka looga dhigay Kulmiye iyo dhalanteedka beenta ah ee Awdal waxa u dhaawacan Murashaxiinta jagada Madaxweyne iyo Kuxigeen Muuse iyo Saylici!!

Salaanmedia/Hargaysa

Source Wajaalenews