Raisul wasaaraha oo New York kula kulmay Madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia (Daawo Sawirro)..22.09.17

Raâisul Wasaare Hassan Ali Kheyre iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York kula kulmay madax ka socota dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

nus_1Waxay ka wada hadleen arrimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuudda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbedal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowladda Soomaaliya

2 3 4