Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey xubnihii ka qayb qaatay diyaarinta Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka (NDP2).06.09.17

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey xubnihii ka qayb qaatay diyaarinta Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka (NDP2).

21317760_107955599945624_625861729316399499_nkulan ay iskugu yimaadeen shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Qorshaynta oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mohammed Adan Oo wehelinayeyn Wasiirku -xigeenka Wasaaradda ayaa shahaado sharafyadan lagu gudoonsiiyey xubno iskugu jira shaqaalaha Wasaaradda, la taliyayaal iyo kaaliyaal kuwaasoo ku mutaystay doorkii ay ka soo qaateen diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP2).21371146_107955693278948_5680178634559416418_n

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) oo furitaankii iyo xidhitaankii kulanka ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in la is dhiirigaliyo oo hadba kii dadaala la abaalmariyo si kakalena uu ugu day’do,21433108_107955593278958_4624782375743857847_n

waxaanu Wasiirku amaan iyo bogaadin u soo jeediyey kooxdii dadaalka ku soo bixisay diyaaritna Qorshahaasi oo uu ku aamaanay dhamaystirka iyo sida fiican ee ay u diyaariyeen, isagoo geesta kalena, sheegay in uu noqday qorshahaasi mid ay xukuumadda, golayaasha barlamaanka iyo guud ahaan bulshaduba ku amaaneen Wasaaradda Qorshaynta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

waan idiin mahadnaqayaa mar walba waaxda Plannig-ku Ha ugu Horeyso,Agaasimayaasha Cusub iyo Kuwii Horeba waan u Mahadnaqayaa

Wasaarada waxaan ugu Shan waaxood waxaanu isku daynay anaga iyo hayada shaqaalaha iyo wasaarada maaliyada in aanu balaadhino Way yartahay wasaaradaha Shanta Waaxood Ah,wasaarado inaga tayo yar ayaan lix iyo Todobada leh,Markaa Mid Dhinaca World Banka ayay Ka Timi,Tan kale Ee MNU-dana Way inagu badnayd Weydiinteedu,21371370_107955679945616_513268998669670543_n

Waxaa jirtay waqtigii abaarta in isku Goob Ay Hayado Badani wax ku wada bixiyaan hal mar,Waxaad Moodaysay inay inaga yara Baahday Laakiin Hada wixii ka danbeeya waynu Tayayn Doonaa

Mashruuc Kasta Oo Wadanka Soo Galayna Sida geela aynu Sumad iyo Number u yeelaynaa,waa in aynu Naqaana Mashaariicda wadanka Ka Socota inta ay Yihiin iyo Halka ay ka socdaan,waqtiga ay bilaameen iyo ka ay dhamaanayan

Waxaa jira mashaariico badan oo wadanka ka socda oo aan cidi ogayn,Oo iyagoon dhamaystirmin ay isaga tagaan,cid cantrolshaana aysan jirin,wasaarada inta Badan Mashaariica way soo maraan laakiin inaguna waxaynu ka nahay markhaati oo waa inaynu ku daba Galo21371221_107955689945615_8027750285658734512_n

waxaynu badali doonaa Wajigii aynu kala dhaqmi jirnay hayadaha,Dal iyo Dad jira ayaynu Nahay Wixii aan inala jaan qaadi kareyn inagoo waxba uga jeedin ayaynu gacanta isaga qabanaynaa

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Mud. Mubaarak Cabdilaahi (Daljir) oo ka waramay doorkii ay ka qaateen xubnahan maanta abaalmarinta la siinayaa isagoo ku amaanay sidii hufnayd ee ay ugala soo shaqeeyeen waaxda qorshaynta.

Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mud. Axmed Aden Isamaciil (Axmed Kayse) , ayaa isaguna mahadnaq ballaadhan usoo jeediyey hawlwadeenadii ka soo shaqayeeya Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka

Waxa kale iyaguna halkaas ka hadleyey xubno matalayey shaqaalaha oo ka waramay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo abaabulka lagu dardargalinayo hawlaha qaranka

Geesta kalena kulanka ayaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mubaarak Cabdilaahi (Daljir) ku soo bandhigay, qorshaha loogu talagalay in lagu beegsado hirgalinta Qorshahan horumarinta qaranka maadama uu sugayo ina la dhaqan galiyo oo la fuliyo, waxaanu sharaxaad ka bixiyey habka iyo hanaanka loo marayo hirgalintiisa

Gabagadiina waxa halkaasi shahaadooyinkii lagu gudoonsiiyeey xubnahaasi ka soo qaybqaatay diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad.
Afhayeenka Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland
Cabdisalaan axmed Cawed (germany)21371370_107955679945616_513268998669670543_n