Bulshada Degmada Axmed Dhagax iyo 31 May Oo Soo Saaray Farriin Siyaasadeed Oo Curyaaminaysa Ololaha Kulmiye Ee M. Jeex..October 10, 2017

Bulshada Degmada Axmed Dhagax iyo 31 May Oo Soo Saaray Farriin Siyaasadeed Oo Curyaaminaysa Ololaha Kulmiye Ee M. Jeex..October 10, 2017

Bulshada Oo Codkooda Ku Xidhay In Loo Sameeyo Waddooyin Dayacan

  

Hargeysa(SM) Waxgarad, cuqaal, haween iyo dhalinyarada degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May ayaa badka soo dhigay cabasho xooggan oo ku saabsan waddo xumo saamayn ku yeelatay noloshooda. Bulshada ayaa iska duubtay muuqaal lagu waraystay qaybaha kala duwan ee bulshada waxaanay soo bandhigeen dareenkooda rasmiga ah ee maayarka caasimadda iyo xukumadda Kulmiye. Dulucda hadalkooda ayaa ah in aan intii xukumaddani jirtay iyo ka hor waxba laga qaban waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada oo biyo la’aani kaw ka tahay. Wallaacan shuruudda looga dhigay in xilligan kala guurka ah codka bulshadu ku xidhnaan doono samaynta jidku wuxuu imanaya xilli maayarka Hargeysa ka mid yahay guddida ololaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga Kulmiye, islamarkaana guddoomiyaha guddidu yahay Xildhibaan Kijaandhe oo laga soo doortay degmada Axmed Dhagax.

waxgaradka degmada Axmed Dhagax

Waxaanu ka hadlayna waddadan Axmed Dhagax( Jidka Total ilaa Jaamacadda Hargeysa); Axmed Dhagax waa laga seexday, maayarku wuu ka seexday, kuwa yidhaahda Axmed Dhagax baanu ka soo baxnayna way ka seexdeen. Waxa aanu leenahay qolada Axmed Dhagax ka soo baxdayow barri waa la isku soo noqon waydun doono cod, waxaanu dhiiggayaga u shubnay oo kaadidayadu u casaatay in aad naga hagaajisan oo Waddada noo dhistan, ma waxaanu noqonay beerkii Quraacda lagu sugayay oo waxaad doonayseen markii aad hesheen ayaad ka seexateen? Waxaanu leenahay waddadaa boholaha ah ee dadka waaweyni ku kufayo ee baabuurtu ku jabayso, xaafaddaha kale waad aragteen, anaga oo aan qabyaalad ku hadlayn waxaanu leenahay Waddada hoos ha loo eego dawladdu way ka seexatay oo Ingiriiskii ayaa ugu dambeeyay xilli la sameeyo, waar noo sameeya,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka waxgaradka degmada Axmed Dhagax.

Waxgaradka degmada Axmed Dhagax iyo 31 May

“Waddada Total ka soo baydha ee Adna marta ee halkaas Jaamacadda Hargeysa ka gasha Ingiriiskii ka dib lama samayn. Waxaanu leenahay dawladda iyo xukumadda aanu dooranay sidan wax ha ka bedesho, siiba Dawladda hoose waliba Maayarka waxaanu leenahay xaafadduhu isku mid ha kuu noqdaan oo ha kuu sinnaadan,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah waxgaradka degmada Axmed Dhagax iyo 31 May.

haweenay ka mid ah bulshada Axmed Dhagax

“Halkan aan taagganahay waa degmada Axmed Dhagax; waxa weeye jid ma haysanno, biyo ma haysanno xaafaddani wax loo dhiso daaye xabad jaajuur ah laguma soo kordhin, miyaanan muwaadiniin reer Somaliland ah ahayn, miyaanan dalka u soo halgamin? Waxaan baaq weyn u diraya bulshada Somaliland oo aan leeyahay bal nala eego dhibaatada na haysata,” Sidaas ayay tidhi haweenay ka mid ah bulshada Axmed Dhagax.

mid ka mid ah dhalinyarada Axmed Dhagax

“Waddadan waxba lagama qabto, gaadiidkii wuu ku madhay, dawladda hoose cashuur bay maalin walba naga qaadda odayaashayada iyo cid walba way u taggeen waxbana nooma qabato. Maayarka waxaanu leenahay waddadan wax ka qabo,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyarada.

mid ka mid ah odayaasha reer Axmed Dhagax

“Waddadani waa wadnihii magaalada; Ingiriiskii wax ka dambeeyay waxba kama qaban, inta aad aragtay ee gaadiid martana maalin walba cashuur ayaa laga qaada, guryaha ku soo jeeda cashuur laga qaada, marka in la sameeyo ayay xaq u yeelatay,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah odayaasha reer Axmed Dhagax.

Nageeye oo ka mid ah dhalinyarada aqoon yahanka ah

“Aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarada aqoon yahanka ah ee gobollada Maroodijeex, Daadmadheedh, Togdheer, Saaxil iyo Hawd, gaar ahaana ka hadlaya Waddadan dhex marta Axmed Dhagax ilaa 31-ka May; waad arkaysan sida waddadu u jajaban tahay ee u rafaad badan tahay, sida aan marar hore sheegnay Waddadan hal mar ayuu Siyaad Barre sameeyay 60 sanno 30 ay Somaliland iyo Somalia isku jireen iyo 30 Somaliland jirtay waana ayaan darro weyn. Maayarka Hargeysa waxaad moodda in uu yahay maayar xaafadeed aan dooxaba ka soo tallaabayn, taasina waxay keentay in uu maayarku xaafadda uu ka soo jeedo dhisiddeeda ku faano degmooyinkii kalena ilaabo taasina mid loo dulqaadanayo maaha, Cashuurta oo laga qaado dadweynaha Axmed Dhagax iyo 31 May waddooyinkoodu sidaas u burbursanaan maayaan, xaafaddo kalena cashuurtayada lagu dhisi maayo. Waxa aanu leenahay golaha degaanka caasimadda Hargeysa ama laba maayar bay yeelan doonta ama waddadaa waa la dhisi doona,” Sidaas ayuu yidhi Nageeye oo ka tirsan da’yarta waxbaratay.

mid ka mid ah dhalinyarada

“Waddadani waa sidii Siyaad Barre kaga tagay ilaa 1991 ayay sidaas tahay, waxaad mooda in Maayar, Gole degaan iyo xoghaye danaynaya aanu jirin waanay ku dhibaataysan yihiin gaadiidka iyo dadka mara. Mushkiladda ugu weyn ee jirta waxa weeye golihii degaanka ee la doortay maayar iyo maayar xigeenba waxay noqotay in nin walba qabiilkiisa raaco oo mid walba reerkooda u ololeeyo. Ololihii waxba kama hadhin oo waa 30 cisho kadib laakiin, taariikhdu way qori doonta maayarka iyo maayar xigeenka in ay dad qabiili ah yihiin waayo maayarradii hore sidan may yeeli jirin ee waxay ahaayeen dad umadda u jajaban oo dadka u shaqeeya,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyarada.

Mid ka mid ah darawallada basaska Siinay

“Waddadan oo aan sidii dalka loo soo galay wax dayactir ah lagu samayn waxaad moodda in aanay ka tirsanaynba magaalada waxaanu leenahay Maayar mashruucii JPLG-ga maxaa ka reebay degmada Axmed Dhagax. Maalin walba waxay noo tahay Kaaban jaba, taayir banjara, qabaan-qab bay noqotay waddadan ee ha nalaga sameeyo ayaanu leenahay,”Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah darawallada basaska Siinay.

Waxgaradka Axmed Dhagax

“Waddadani waa waddo Highway ah, waa Waddadii Dumuluq ee Ingiriiskii sameeyay dibna looma samayn, waa waddadii beebkii biyaha ee Shiinuhu dhigay ku jiray, maayarka caasimadda waxaanu si sharaf iyo karaamo ku jirto uga codsanayna in uu Waddada noo dhiso oo waddooyinka kale ka horaysiiyo oo ka balaadhiyo oo waliba afar haad nooga dhigo ayaanu ka codsanayna, marka waxaanu leenahay Maayar Cabdiraxmaan waddada afar haad nooga dhig Alle ha kugu garab gale taariikh wanaagsan ha ka hadhee,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah waxgaradka reer Axmed Dhagax.

Caaqil Mustafe

“Waddadan Adna hor marta aad ayay u burbursan tahay, waxaad moodda xabaalo, adiga laftigaagu waad aragtay maayar oo waxaad tidhi wax baanu ka qabanayna, haddaba adiga oo wax ka qabanaya oo aanu ku ognahay doorasha jirta olole ayaa jira ee waddada inta aan doorashada iyo ololaha loo dhaqaaqin wax ka qabo,” Sidaas ayuu yidhi Caaqil Mustafe Nuur Ducaale.

“Xaafaddaha kale waddooyinkooda waa la sameeyay xaafaddan Axmed Dhagax maxaa loo samayn waayay? Ma dhib bay gaysatay? Waxa weeye haddaanu nahay dadweynaha Axmed Dhagax waa in naloo sameeyo waddada sida waddooyinka kale loo sameeyay, sidaas ayaanu madaxda ka codsanayna,” Sidaas ayuu yidhi mid ka mid ah waxgaradka arrintan ka hadlay.

Salaanmedia/Hargaysa Source Sayruuqnews