Daawo Degaanada Waqooyiga Togdheer iyo Bariga Saaxil oo Xisbiga WadDani Ka Furtay Xafiisyo Cusub..10.10.17

Daawo Degaanada Waqooyiga Togdheer iyo Bariga Saaxil oo Xisbiga WadDani Ka Furtay Xafiisyo Cusub..10.10.17

Daawo Degaanada Waqooyiga Togdheer iyo Bariga Saaxil oo Xisbiga Wadani Ka Furtay Xafiisyo Cusub

Burco (SN) Wafti balaadhan oo kamid ah xisbiga mucaradka ah ee wadani ayaa xafiisyo kala duwan xadhiga kaga soo jaray degaanada waqooyiga gobolka togdheer iyo bariga saxil,
Xafiisyadaasi oo ku kala yaalay deganada dawdama, Ximman,jidhaan gob, gidhays, gugux iyo Suuqsadde.
Ayaa dhamaantoodba laga hirgaliyey xafiisyada kambaynka ee xisbiga mucaradka ah ee wadani.
Waftigani oo ka koobnaa, Xubnaha siyaasiyiinta ee kazoo jeeda degaaanada gobolada saaxil, iyo togdheer oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Faarax qabille, Siyaasi Sallebaan Ibraahin Maxamud, Ismaacil cali axmed, gudomiye ku xigeenka G.saaxil axmed cali, Gudomiyaha wacyi galinta iyo abaabulka gobolka saaxil ee wadani xasan ibraahin, xildhibano ka tirsan golaha degaanka sheikh, iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo dhamaantoodba kazoo jeeda deganadani kuwaasi oo bulshooyinka deganadaasi ay xafiisyada kazoo furayeen ay kula hadleen barxadaha hore ee xafiisyadaasi.

vlcsnap-2017-10-10-15h07m40s138

Salaanmedia/Hargaysa