Daawo Muuqaal xiiso badan”Xasuuqa Muslimiinta Myanmar sida uu ku bilaawday, iyo dhibaatadda dadkaasi haysata..01.10.17

Myanmar waa dal xuduudo la leh, Bangaladhes,Nepal, iyo Thailand. waddankaan wuxuu kamid ahaa dalalkii la isku oron jiray British Indian, sanadki 1824-kii British-ka ayaa ku magacaabay Burma, waddankaan waxaa muddo dheer ka talinaysay xukuumad milatari oo kali talis aheyd, laga soo bilaabo 1962- 2011-dii ayeey dalkaasi gacanta ku hayay milatari.

Burma, waxaa ay dadka kala aaminsan yihiin diimo kala duwan, waxaa ugu baddan ay dadka dalkaasi rumaysan yihiin waa Buddism-ka oo gaadhaya 87.8%. halka Christianity-ga lagu sheego 6.2%. Diinta Islaamkana lagu sheego 4.3, halka diimaha kale ee sida Hunuuda iyo kuwa kaleba lagu sheego 1.6%.

Gumaystihii Ingiriiska ayaa gobbalka Rakhine ee dhaca waqooyiga dalkaasi Myanmar soo dajiyay Muslimiin laga keenay dalka maanta loo yaqaan Bangaladhesh, inkastoo xilligaasi Bangaladhesh laf ahaanteeda qey ka aheyd dalka pakistan ama waddamadii la isku oran jiray British Inidan.

Rohingyaha ayaa ku hadla luuqadda Rohingya ama Ruaingga, hadaba rohingaha waxay kamid yihiin shucuubta kala isirka ah ee ku nool dalkaasi Myanmar, sida la sheego dalkaasi waxaa ku nool 135 qoomiyadood oo kala isir ah, waxaana dadka Muslimiinta Rohingyaha loo diiday in loo aqoonsado dad dagan dalkaasi Myanmar sanadkii 1982.

Salaanmedia/Hargaysa