Haldoorka Iyo Waxgaradka Beelaha Haashin Abokor Ee [ Arab ] Oo Beeniyay Inay Beeshu Taageertay Xisbiga Kulmiye + Suldanka Haashim Oo Arinta Kulmiye Meel Adag Iska Taagay

IMG_5227Isniin.03.10.17Harg(SM)Haldoorka Iyo Waxgaradka Beelaha Haashin Abokor Ee [ Arab ] Oo Beeniyay Inay Beeshu Taageertay Xisbiga Kulmiye + Suldanka Haashim Oo Arinta Kulmiye Meel Adag Iska Taagay

Haldoorka iyo Waxgaradka Beelaha Haashin ayaa ganafka ku dhuftay kulan koox gaar ah

maalintii shalay soo abaabushay kaas oo ay ku sheegeen in beeshu ay taageersantahay xisbiga kulmiye

haldoorka iyo waxgaradka beelaha haashin waxay sidaas ku sheegaan bayaan ay soo saareen waxaana uu u dhignaa sidan :-
” Nimanka Afka Haashin Ku Hadlay ee Sheegay Inay Kulmiye Taageersanyihiin Waa kuwii madaxda reerka ee kulmiye sheeganayay ee marka horeba ku fashilmay taladda iyo hogaaminta reerka mana aha niman afka reerka ku hadli kara waana ayaan darro in shakhsiyaadka noocaas ah ee la ogyahay halka ay reerka kala taaganyihiin ay sheegtaan inay ku hadli karaan afka reerka iyagoo muraado gaar ah iyo danno kursi oo aan sidaas u sii fogayn leh, waxaanu umadda u sheeganaynaa inaanay nimankaasi haashin matalin.

Haashin toban sanno ayuu KULMIYE ahaa hadii uu reerka wax ku tarayo waxaana ayaan darro ah in koox gaar ahi inta ay qol hoosta ka soo xidhato ay sheegto inay KULMIYE taageersan yihiin, waxaannu leennahay taageeradda beesha Haashin Abokor ee Arab wax la tahriibiyo way ka wayn tahay.

Haashin ma matali karaan koox xisbi gaar ah afkiisa ku hadashaa umaddana xaal-baannu ka siinaynaa kooxda fool-xumaad la shir timi, waxaannu ognahay in jimcihii tododbaadkii hore uu shirkani baaqday islamarkaana uu baajiyay Suldaanka guud ee beelaha Haashin Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale isagoo suldaanku kooxdan oo shirkaas ula timi u bandhigay inaanay muuse biixi is arki karin, maaddaama oo isaga iyo shakhsiyaad reerkooda ahi dagaal qaawan ku soo qaadeen ganacsadihii ugu waynaa Haashin iyo Arab islamarkaana aanay ahayn arin dhayal dhayala muuse isaguna uu ogyahay in waxa uu ku kacay awgeed aanaan isa soo hor istaagi karin,waxaanay taasi keentay in kooxdan shalay shirka dhuumashada ah Hargeysa kula yeelatay muuse biixi ay ku fashilmeen taageero ay reerka uga helaan Muuse Biixi, maadaama oo Muuse iyo koox beeshiisa ahi shirqool foolxun u maleegeen ganacsatadii waawaynayd ee reerka, islamarkaana aanay wax sahlan ahayn sida arintaas Haashin iyo araba uga bogsanayaan.

Haddaba annagoo og in madaxdii dhaqanka ee afka reerka ku hadalkeeda awooda u lahayd la baalmaray, annagoo ogsoon sida ay beesha Haashin Abokor iyo Araba farro madhan uga taagan yihiin tacabkii faraha badnaa ee geliyay Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisaba, annagoo ka duulayna darreenka rasmiga ah ee beesha Haashin Abokor, annagoo ogsoon taladda beelaha kale ee aannu Walaalaha nahay ee Arab, waxaannu ARAB iyo somaliland-ta kaleba xaal ka siinaynaa sharaf-daradda ay ku kaceen kooxdaas danaystayaasha ah ee afka beesha ku hadashay, isla markaana aanay nagu matalin go’aano adagna Madax-dhaqameedka iyo haldoorka reerku ka soo saari doonaan xeerarka la marinayo nimankaas sumcadii reerka meel kaga dhacay ” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Salaanmedia/Hargaysa

Source Ilaysnews