Daawo:Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Xafiis Weyn U Furay Ganacsatada Waaheen Una Tilmaamay In Maayarka Hargeysa Kulmiye Ugu Ololeeyo Cashuurtoodii.05.10.17

IMG_5439Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka xadhiga ka jaray Xafiis ay iskood u furteen una qalabeysteen shacbiweynaha taageerayaasha u ah Xisbiga WADDANI ee ka dhex-ganacsada suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa.

Taageerayaashan Xisbiga WADDANI ee ganacsatada ahi, waxa ay cod dheer ku sheegeen in ay ka soo guureen Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ay hormuud u yihiin siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedal dhaba oo dalka ka qabsooma.IMG_5428 IMG_5429 IMG_5430 IMG_5431 IMG_5432 IMG_5433 IMG_5434 IMG_5435 IMG_5436 IMG_5437 IMG_5438 IMG_5439 IMG_5440