Musharax Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ku Soo Wajahan Magaalada Boorama Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Oct 2, 2017 Boorama

Musharax Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ku Soo Wajahan Magaalada Boorama Iyo Waxa Uu Daaran Yahay
Oct 2, 2017 Boorama (SM) –Wafti Uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Ku Soo Fool Leh Magaalada Borama Taasi oo ay weheliyaan Masuuliyiin Xisbiga Ka Tirsan Iyo Sidoo Kale Wasiiro Xukumada Ka Mida.
Musharax Muuse Biixi Cabdi Iyo Waftigiisa ayaa la filaya in maalinta bari ah soo gaadhi doonan Degmada dila halkaasi oo waftigaasi qado sharaf ku yeelan doonan Isla Habeenkaasi ku soo hooyan doona magaalada borama.
Musharax Muuse Biixi Cabdi Iyo Waftigiisa uu Hogaaminayo ayaa Maalinta Salaasada Ee Fooda Nagu Soo Haysa Ka Hilaaci Doona Degmada Baki Ee Ka Tirsan Gobolka Awdal Oo Halkaasi Oo Waftigu Ku Sugnaan doono Galinka Hore Ee Maalintaasi.
Maalinta Arbacada Ee Soo Socota ayaa Musharaxa Muuse Biixi Cabdi Iyo Waftigiisu Uu Balansan Yihiin in ay ka qaybgalaan Munaasibada Lagu Soo Dhawaynayo Siyaasi A/rashiid Xasan Mataan Oo Dhawaan Shaaciyey In Uu Ku Biirayo Xisbiga Kulmiye Ee Haatan Talada Dalka Gacanta Ku Haya.
Socdaalka Muuse Biixi Cabdi Oo Ku Joogi Doono Borama ayaa La Filayaa In Uu qaadan Doono Mudo Sadex Maalmood ah Taasi Oo La Filayo In Uu Kulano la qaato Qaybaha Kale duwan Ee Bulshada Ku Nool G.Awdal.IMG_5177