Nadaafada caasimada oo bilaabay shaqo joojin kadib markii Moyarka caasimadu uu awoodi kari waayay……30.10.17

Hargeysa,(SM)- Shaqaalaha xaadha ama nadiifiya caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa galay maalintii 3’aad ee ay sameeyaan shaqo joojin kadib markii moyarka caasimada Cabdiraxmaan Solteco uu awoodi waayay in uu siiyo mushaarkoodii, waxana wararku sheegayaan in aan shaqaalaha oo haya hawsha ugu culus ee dawlada Hoose ee Hargeysa ayna wax mushaar ah ayna helin mudo 3 bilood ah.

Shaqaalaha ayaa shaqadii joojiyay kadib markii ay ogaadeen in lacagtoodii/ mushaarkoodii uu Moyar Soleco uu ku galay ololaha xisbiga Kulmiye taasi oo uu ugu ololaynaayo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo uu u raaco tuulo kasta iyo goob kasta oo uu ka soo ololaynaayo, taasi oo dib u dhac weyn ku keentay habsami u socotkii dawlada hoose ee Hargeysa oo maraysa heerkii ugu liitay ee ay abid soo marto.

Gudaha magaalada Hargeysa ayaan wax xashiish ah laga qaadin dhowrkii maalmood ee u danbeeyay waxana ay magaaladu la ciir ciiraysaa qashin iyo nadaafad daro, waxna laga cabsi qabaa in ay xanuuno ka dilaacaan hadii aan deg deg waxba looga qaban maadaama oo ay xiligan dib u bilaabmeen di’istii roobabku.

Warar kale ayaa iyana xaqiijinaaya in aan dhamaan shaqaalaha dawlada hoose ee Hargeysa aan bishani wax mushaar ah loo haynin oo sidadaasi lagu gali doono doorashada oo uu maayarku ku khamaaraayo lacagtii shaqaalaha oo loogu ololaynaayo Muuse Biixi.93ED846E-4D21-4CDA-8DF8-3CDADAE20942