Shir-siyaasadeed Ay Burco Ku Lahaayeen Ergo Dhaqan Oo Ka Socday Galbeedka Hargeysa Iyo Bariga Burco Oo kala Kacay..Oct.8,2017

Shir-siyaasadeed Ay Burco Ku Lahaayeen Ergo Dhaqan Oo Ka Socday Galbeedka Hargeysa Iyo Bariga Burco Oo kala Kacay..Oct.8,2017

IMG_5815
Hargeysa(SM)Oct.8,2017-Kulan fool-ka-fool ah oo la filayey inay Shalay isku soo hor-fadhiistan madax-dhaqameed iyo wax-garad kasoo kala jeeda Waqooyiga Hargeysa iyo Bariga Burco, ayaa baaqday kadib markii is-barbar yaac iyo buuq ka dhex-qarxay ergadii Bariga Burco, kolkii madasha la yimi, taasoo markii ay dhacday sababtay inay madashu yeelan waydo hab-sami u socod labada ergo ku wada-hadlaan, sidaas darteed is aragga labada dhinac waxa dib loogu riixay Axadda Maanta.
Hase-ahaatee Warar dheeraad ah oo Wargeyska Yool ka helay goob-joogayaal shirka ku sugan, ayaa tibaaxay ujeedada kulanka labada daraf inuu ahaa, koox doonaysaa Cod iyo qolo rabtaa dumaasha Gudoomiyenimada KULMIYE ee mustaqbalka in la siiyo, sidaas darteed kulanka baaqday ee Shalay oo isaggu jiray qado iyo fadhi dambe, ayaa sida iluhuu xuseen markii fadhiga la isu diyaariyey, waxa cudur-daar madasha usoo qadimay ergadii bariga Burco ka socotay, cudur-daarka oo ujeedkiisu ahaa in dib loogu dhigo fadhiga Axadda Maanta, waxana Wararka dib u dhaca Shirka la xidhiidha intaa ku darreen, in la waayey aragti middeysan oo ay ku wada socdaan xubnaha ergada Bariga Burco.
Waxana arrinka ergada Bariga Burco, cadaaday inaan aragti middeeysan oo ay ku wada socdaan jirin, kadib markii sida la sheegay madasha uu ka kacay Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Duulista Md. Faahiye, oo sida goob-joogayaashu xuseen madasha ka sheegay inuu damac ka hayo dumaasha Gudoomiyenimada Xisbiga KULMIYE ee Mustaqbalka, isla markaana uu ku abtirsado marka la eego Beelaaha bariga Burco dhex-dooda Ardaaga xaqa u leh dumaasha Gudoomiyaha KULMIYE.
Intaasi markay dhacday ergadii ka socotay Beelaha Bariga Burco, iyagoo Maanka ku haya Hirdanka dhexdooda ka jira ee dumaasha Gudoomiyaha KULMIYE, ku saabsan, iyo weliba doorka dhaq-dhaqaajinta arrinka ee Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo afhayeenka Xisbiga KULMIYE Md. Xasan Gaafaadhi, oo laftiisa firik-firik tiisu aanay yarayn, waxay ergadu door-biday in kulankaa dib loo dhigo, si iyana dhexdooda dib usug noqdaan.
Teeda kale, marka taa laga yimaado ma sahlana mushkilada arrinkani ku hayo ergada bariga, maxaa yeelay docdooda waxa Maddanuhuu Dabka ugu jiraa Siyaasiyiin badan oo Beesha ah, oo ay kamid yihiin Gudoomiye-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin iyo Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali Mareexan, oo marka si loo eeggo iyaggu isku fikir ah, isla markaana qaba in ciddii damac ka hayo ee Beesha ahi, ku tartanto gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE mustaqbalka, balse aan cid gaar ah hadda loo calaamadin. Dib-u-dhigista kulankaas, ayaa sida Wararka lagu sheegay, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in kulanka is aragoodu ka dhaco, goob ka baxsan Magaaladda Burco, balse qadaadu noqoto Huteelka Balasa ee Magaaladda Burco.
Dhanka kale, xoggaha laga helayo ergada galbeedka Hargeysa, ayaa tibaaxay in ergaddu ku faraxday soo dhoweysay dhankooda, kala qaybsanaanta ergada dhigooda, maadaama aanay jirin aragti middeysan oo ay ku wada-socdaan, oo sababi lahayd xujo ku adkaata inay la hor-yimaadan, balse haatan sidu arrinku yahay, ay u hayaan dariiq ay kaga baxsan oo ah inay ula yimaadan fikir mideysan. Docda kale, Wararka laga helayo qaarkood, ayaa lagu sheegay inaan xeeladi ka madhnay ergada bariga laftooda, isla markaana aanay mooganayn arrinka laga wada xaajoonayo, hase-yeeshee ay jiraan qorshayaal u qarsoon, waxanay Wararku intaa ku darreen in kulanka Maanta ergada bariga Burco kaga dhawaaqi doonaan inay Codka bixinayaan, balse halka labada Beelood kulankooda labaad ee arinkani uu noqon doono doorashada kadib.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Yool